“Waa Illaahay mahaddii in maanta culimadii oo dhami ay dalkeena inoogu yimaaddaan oo ay inoo duceeyaan” – Madaxweynaha Somaliland  oo Qaabilay Culimada Ansaaru Sunna

Hargeysa (SLpost)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qasriga madaxtooyada ku qaabilay qaar kamid ah culimada Soomaalida ee ka qaybgalay kulan miimeedkii saddexaad ee Ansaaru-sunna oo toddobaadkan lagu soo gebo-gabeeyey caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Ugu horrayn wasiirka Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo halkaas ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey culimada isaga timi waddamada deriska iyo daafaha caalamka, waxana uu ugaga mahadnaqay wacdiyadii iyo waanooyinkii arrimaha diinta la xidhiidhay ee ay maalmahanba siinayeen bulshada reer Somaliland.

Qaar kamid ah culimadda waaweyn ee kulanka ka qaybgalay oo ay kamid yihiin  Sheekh Cabdirisaaq Cabdilaahi (General Jiir), Sheekh Cabdirashiid Sheekh Cali Suufi, Sheekh Almis Yaxye,  Sheekh Maxamuud Maxamed Xaliike, Dr. Cali Maxamed Saalax iyo  Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa madaxweynaha ugaga mahadnaqay sida milgaha leh ee uu u qaabilay, iyaga oo si guudna Jamhuuriyadda Somaliland ugu  ammaanay nabadda iyo amniga taabbo-galka ah ee ka jira, isku-duubnida iyo midnimada shacabka iyo xukuumadda ka dhaxaysa iyo xiisaha bulshadu u qabto barashada diinta Islaamkana si weyn u bogaadiyey.

Advertisement

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo dhaweeyey culimada waaweyn ee diinta magaca ku yeeshay ee qaybta ka ahaa kulankii ballaadhnaa ee Somaliland lagu qabtay, waxana uu caddeeyey inuu madaxweyne ahaa soo dhaweynayo khayrka iyo wanaagga ay culimadaasi dalka keeneen iyo muxaadarooyinkii ay bulshada u jeediyeen, waxana uu yidhi,“Ilaahay baa mahad leh nagu simay in intan oo culimo ahi noo timaaddo oo ay noo duceeyaan, ciddii khayrkaas iyo intaas oo culimo iyo ducadaas noo keentayna  waannu u mahadnaqaynaa, waannu jecel nahay intan oo culimo ah oo wanaagga iyo khayrka na farayaa inay If iyo Aakhiroba na xasuusiyaan waa hiil iyo garabgal aannu aad iyo aad u soo dhaweynayno.”

Madaxweynuhu waxa uu culimada ka codsaday inay ummadda uga duceeyaan khilaafka iyo kala qaybsanaanta dhexdooda taalla, kuna waaniyaan inay is caawiyaan oo ay gacan qabtaan dadkooda jilicsan ee u baahan taakulaynta, waxana kulankan   ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka, Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) guddoomiyaha golaha wakiillada, Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed, guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, mudane Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi Dheere)  iyo xubno kamid ah golaha wasiirrada.

Dhinaca kale, qoraal kooban oo madaxweyne Muuse Biixi kulanka culimada kaddib soo dhigay bartiisa Facebook, waxa uu ku yidhi, “Waa Illaahay mahaddii in maanta culimadii oo dhami ay dalkeena inoogu yimaaddaan oo ay inoo duceeyaan, Illaahay ha ka abaalmariyo wacdigii, waanadii, aqoontii iyo wanaaggii ay gurigeenna inoogu keeneen”.

Follow us On