“Waa Hadalkii Ugu Doqonniimada Badnaa Ee Wasiir Arrimo Dibadeed Kasoo Yeedha” – Guddoomiyaha Xisbiga UCID

Dowladda Jabuuti Madax-bannaanida Somaliland Meel Ka Xun Somaaliya Ayay Ka Taagan Tahay” – Eng Faysal Cali Waraabe oo Luqad Adag ugu Jawaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda Djibouti.

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiya Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa luqad adag kaga jawaabay hadal dhawaan ka soo yeedhay Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo muujiyey sida dowladdiisu uga soo horjeeddo Qadiyadda madax-bannaanida Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti ayaa toddobaadkan shaaciyey inay dowladdiisu dhex-dhexaadin ka dhex-waddo Dowladaha Soomaaliya iyo Ethiopia oo khilaaf soo kala dhex-galay kaddib heshiiskii is-faham ee dhexmaray Xukuumadaha Addis Ababa iyo Hargeysa, isagoo xusay inay Jabuuti ahaan tixgelinayaan madax-bannaanida dhuleed ee dalkii Laysku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliyeed.

Eng Faysal Cali Waraabe oo daba-socda hadalka ka soo yeedhay Maxamuud Cali Yuusuf, waxa uu cambaareeyay Mowqifka ay dowladda Jabuuti kaga soo horjeedsatay Heshiiska isfaham ee Somaliland iyo Itoobiya.

Guddoomiyaha ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa X, waxa uu doqoniimo ku tilmaamay hadalka Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti, waxaanu xusay in dalka Jabuuti yahay cadowga 1aad ee madax-bannaanida Somaliland leedahay.

“Waa hadalkii ugu doqoniimada badnaa ee wasiir arrimo dibadeed kasoo yeedha,” Sidaas ayuu yidhi Eng Faysal Cali Waraabe, waxaanu intaas ku daray, “Dowlada Jabuuti madaxbannaanida Somaliland meel ka xun Soomaaliya ayay ka taagantahay ilaa markii Somaliland ay madaxbannaanideeda lasoo noqotay”.

Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa noqonaya masuulkii u horreeyey muxaafadka iyo mucaaradka Somaliland ee jawaab ka bixiya hadalka ka soo yeedhay Dowladda Jabuuti, marka laga reebo xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada oo cambaareeyey hadalka Dowladda Djibouti.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net