“Waa Dhiilo Hor leh oo ku soo korodhay Somaliland” – Xisbiga UCID oo Si Adag uga hadlay Tubaako halis ah oo Dalka la soo geliyey

 

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa dullinnimo iyo dhibaato Dhalinyarada reer Somaliland loo soo horseeday ku tilmaamay Tubaakada Shirkadda BAT oo dowladda Somaliland intay Madaarka Hargeysa ku joojisay, haddana markii dambe cashuurtay oo ay dalka ku soo fasaxday.

Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga UCID Yuusuf Kayse Cabdillaahi oo Axadda 26 April Warbaahinta qaarkeed kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa waxaan la aqbali karin ku tilmaamay in Muqaddaraadka noocaas oo kale ah dalka lagu soo daayo, taas oo dhib ku soo kordhinaysa Bulshada caafimaad ahaan iyo balwad ahaanba.

Tubaakada MAT ee afka laga qaato, ayaa ah mid Dalalka Dunida intooda badan laga mamnuucay, isla markaana Dhakhaatiirta caalamku caddeeyeen inay sababto Kansarka ku dhaca Cunaha, Cirridka, Dibnaha iyo Afka guud ahaan.