Hargeysa (SLpost)- Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in Xukuumadda talada haysa tallaabo wax ku ool ah ka qaadi weydo shabakadaha macaash-doonka ee ka Ganacsada Tabriibinta Dhalinyarada dalka.
Warsaxaafadeed uu soo saaray Xoghayaha Arrimaha Gudaha iyo Xidhiidhka Gobollada ee Xisbiga UCID Cabdi Maxamed Saleebaan (Mingiste), ayaa lagu sheegay in Shabakadaha Tahriibka ka ganacsada ay dalka ku soo bateen intii ay talada haysay Xukuumadda Xisbiga Kulmiye oo ay ku eedeeyeen inay ka gaabisay wax-ka-qabashada dhibaatadan.
Warsaxaafadeedkaas ayaa u dhignaa sidan : « Sida ay ka dheregsan tahay Busho weynta reer Somaliland gudaha iyo dibadaba ,waxaa si xawli ah u korodhay mudadii Xukuumada Xisbiga Kulmiye hogaanka wadanka haysay dhibaatada Tahriibta ee Dhalinyarada reer Somaliland. Dhalinyarada reer Somaliland ayaa maanta ah kuwa ugu badan ee ku dhimanaya, Saxaraha—badaha iyo Xabsiyada wadamada Tahriibta loo sii maro.
Baadhitaano iyo xogo lagu kalsoonaan karo, waxay cadeynayaan oo ay daaha ka qaadayaan arimahan hoos ku qoran :-
1.Waa cadaan,waana la og yahay in Somaliland ay ka dhismeen,kana shaqeeyaan « SHABAKADO TAHRIIBTA KA SHAQAYSTA », kuwaas oo dhismay, xoogaystay intii Xukuumada Kumiye talada dalka haysay.
2.Waxaa caddaan ah in Shabakadahaasi ay macaash weyn ka sameeyeen Tahriibta, mudadii ay jireen, dhaqaalahaasi intiisa badani loo adeegsado arrimo aan Somaliland u dan ahayn.
3.Waxaa jira warar sheegayaa, amase sida Saxaafada Somaliland qaar ka mid ahi qoreen ,in xubno ka mid madaxda ugu saraysa Xukuumada Somaliland in ay wax ku leeyihiin Shabakadaha Tahriibta ee xiligan hafiyey Somaliland, waxaa sidoo kale wararkaasi sheegayaan Xubnahaa Xukuumada ka tirsani ay dhaqaale buuran ka heleen Tahriibta iyo dhibaatada ubadka reer Somaliland, laakiin hore ayaa loo yidhi (Nina dhuuni ayuu ku dhex joogaa Nina dhaqashuu kuugu dhabar jabay).
4.Waxaa wax lala yaabo ah,wax laga xishoodo ah in maanta Xukuumada Somaliland ay tahli kari weydo in ay talaabo ka qaado, shaqsiyaadka Xukuumada ka tirsan ee la sheegay in ka mid yihiin Shabakadaha Tahriibiya ,badaha ku guray Dhalinyaradii reer Somaliland ,ee beri noqon lahaa hogaankii wadanka.
5.Waxaa wax laga xishoodo ah,musuqmaasuqa ku habsaday Xukuumada Somaliland.Waa cadahay in 70% dhaqaalaha wadanka soo galaa uu ku dhaco jeebabka shaqsiyaad tirsan oo la yaqaano,waana sababta keentay in la waayo shaqo abuur,tahriibtuna noqoto halka la beegsado.
Xisbiga UCID wuxuu aad iyo aad uga tiiraanyeysan yahay dhibaatada Tahriibta ee mudadii u dambaysay ku sii xoogaysanaysay Somaliland,taas oo ay sabab u tahay Xukuumada oo ka gaabisay in ay shaqo u abuurto Dhalinyarada habeen iyo maalin badaha – Saxaraha iyo Xabsiyada ku dhimanaya.
Xisbiga UCID wuxuu balan qaadayaa, haddii uu qabto hogaanka wadanka in uu mudo kooban wax kaga qaban doono dhibaatada Tahriibta—Shabakadaha iyo shaqsiyaadka ka shaqaystaba, shaqo abuurkuna noqon doono talaabada koobaad ee lagu dhaqaaqo.”
SOMALILANDPOST.NET