USA: FBI-da Oo Shaacisay Xogtii Baadhitaanka Emailada Hillary Clinton

Hargeysa (SL.Post)  Hay’ada FBI-da,  ayaa shaacisay xog dheeraad ah oo ku aadan baadhitaankii ay ku wadeen Emailada Hillary Clinton oo loo haystay inay si khaldan u isticmaashay Emailadeeda, isla markaana sirta qaranka iyo xog xasaasi ah ay ku dirtay Emailadeeda khaaska ah xiligii ay ahayd Xoghayaha arrimaha dibada.

 

hillary-clinton-thumbs-up

 

Hillary Clinton ayaa sheegtay inay illowday inay si khaldan u isticmaashay Emailadeeda ama xog sir si khaldan Emailadeeda gaarka ah ku dirtay, sidoo kale gacanyarayasheeda ayaa lagu tuhunsan yahay inay burburiyeen xog badan oo ku aadan qoraaladii sirta qaran ahaa ee Mrs.Clinton ku dirtay Emailkeeda khaaska ah.

 

 

Fadeexadan Emailada ayaa ah tan ugu weyn ee haysata Murashaxada xisbiga Dimuquraadiga Maraykanka Hillary Clinton, xili Murashaxa la tartamaya ee Jamhuuriga Donald Trump isaguna muddo dheer ay haysteen fadeexooyin is xig-xigay.

 

 

Halkan ka daawo.

 

 

Somalilandpost.net