Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo Cambaareeyey Wariye lagu xadhigay magaalada Laascaanood

Xoghayaha SOLJA

Hargeysa (SLpost)- Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa cambaareeyey xadhig maamulka gobolka Sool kula kacay Wariye Faysal Jaamac oo ka tirsan Idaacadda Afka Qaramada Midoobay ku hadasha ee Barkulan.

Ururka Suxufiyiinta Somaliland waxa uu ugu baaqay xukuumadda iyo maamulka gobolka Sool inay si deg-deg ah xorriyaddiisa ugu soo celiyaan wariyahaas.

Warmurtiyeed uu ku saxeexan yahay xoghayaha Guud ee ururka SOLJA Maxamed-Rashiid Muxumed Faarax oo lagu cambaareeyey xadhigga wariyaha ayaa u dhignaa sidan:

“Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA waxa uu si weyn u cambaaraynayaa xadhig sharci daro ah oo maamulka Gobolka Sool uu maanta kula kacay Wariye Faysal Jaamac Aadan oo ka Hawl gala Idaacada Qaramada Midoobay ee BARKULAN, oo maanta lagu xidhay Magaalada Laascaanood.

Wariyahani oo wakhtigii la xidhayey ku gudo jiray Waajibaadkiisa shaqo ee Wariyenimo ayaa ay Ciidamada Amaanka Gobolka Sool ay qabteen iyaga oo aan wax ogolaasho Maxkamadeed haysan, isla markaasin aanu jirin fal dambiyeed uu galay wariyahaasi, waxana ay u dhaadhiciyeen xabsiga dhaxe ee Laascaanood oo uu ilaa hada sifo sharci daro ah ugu xidhan yahay.

SOLJA waxa ay la fajacsan tahay habdhaqankaasi lagu la kacay wariye Faysal Jaamac Aadan, waxana ay Maamulka Gobolka Sool iyo Xukuumada Somaliland-ba ay ugu baaqaysaa in Suxufigaasi si deg-deg ah xoriyadiisa loogu soo celiyo.

Ururka SOLJA oo Dadaalo uu u galay sii daynta saxafigaasi aanay ilaayo hada u suuroobin ka dib markii uu wax ka jawaab ah ka waayey Maamulka Gobolka Sool ee Somaliland.

Mar labaad waxa Ururka SOLJA uu  cambaaraynayaa xadhiga sharci darada ah ee Wariyahaasi lagula kacay waxanu ku baaqaynaa in dib Xoriyadiisa loogu soo celiyo. ”

ALLA MAHAD LEH.

 Xoghaya Guud ee SOLJA

Maxamed-Rashiid Muxumed Faarax,