Ururka Suxufi yiinta Somaliland ee SOLJA oo Cambaareeyey Xadhigga Wariye maalintii saddexaad ku xidhan Caynaba

Xoghayaha SOLJA

Hargeysa (SLpost)- Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa cambaareeyey xadhigga Wariye Maxamed Aadan Dirir oo muddo saddex maalmood ah ku xidhan Saldhigga booliska ee magaalada Caynaba, iyada oo ilaa hadda aan Maxkamad ah la horgeyn.

Warsaaxafadeed uu ku saxeexan yahay Xoghaya Guud ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamed-Rashiid Muxumed Faarax, oo  lagu cambaareeyey xadhigga Wariyehaas, ayaa u dhignaa sidan: “Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA wuxuu canbaaraynayaa xadhiga weriye maxamed aadan dirir oo doraad 12-kii duhurnimo si sharci daro ah loogu xidhay magaalada caynabo   isagoo aan loo marin sifihii sharcigu u jidaynayay qabashadiisa oo aan wax waaran ah maxkamadi usoo goynin.

Xoghayaha Solja

Iyadoo sida uu noo cadeeyay mar aanu xalay la xidhiidhnay gudoomiyaha maxkamda caynabo lagu eedeeyay inuu jeelka caynabo xoog ku galay intuu askartii jiidhay  oo uu sawiro kasoo qaaday  nin ku eedaysnaa  kufsi isla markaana uu warkaasi ku baahiyay shabakada wararka ee caynaba news’

Arrintaas oo ururka SOLJA u arko  inaanay macquul ahayn in weriye aan qori sidani xoog ku gali karo jeel askari ilaalinayso  sidaa daraadeed ururka solja wuxuu ka codsanayaa maamulka caynabo iyo xukuumada sare ee Somaliland inay xoriyadiisa sida ugu dhakhsaha badan ugu soo celiyaan haddii ama degdeg loo horkeeno  maxkamad.”

 ALLAA MAHAD LEH

M.RASHIID MUXUMED FARAX

XOGHAYAHA GUUD EE URURKA  SUXUFIYIINTA SOMALILAND EE

SOLJA