Ururka SOLJA oo Hargeysa ka furay tabobar kor loogu qaadayo Tayada Warbaahinta Online-ka ah (Website-yada)

Hargeysa (SLpost)- Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo kaashanaya Wasaaradda Arrimaha Dibadda, ayaa maanta tabobar muddo laba maalmood soconaya uga furay magaalada Hargeysa qaybo ka mid ah Suxufiyiinta ka hawl-gala Warbaahinta Online-ka ah (Websiteyada).

Kulan-hawleedkan oo diirradda lagu saarayo tayaynta iyo qaabka ay u shaqeeyaan Warbaahinta Online-ka, waxa ka qayb galay Wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo, Agaasimaha wasaaradda arrimaha dibadda Cabdinaasir Axmed Xirsi, Guddoomiyaha Solja, Suxufiyiinta ku shaqeeya Online-ka ee ka hawl gala magaalada Hargeysa iyo martisharaf kale.

soljaFuritaankii kulankaasi waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Ururka Solja Maxamuud Cabdi Jaamac “ Xuuto” waxaanu ka warrmay ujeedka kulankani daaranyahay iyo waxyaabaha laga filayo inay ka soo bixidoonaan kadib marka uu dhamaado kulankaasi 2 cisho kadib, waxaanu sheegay inuu daba socdo kulan hore oo kan ka horeeyey isaga oo arrimahaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Maanta iyo berri waxaan qaadan doonaa arrimaha la xidhiidha warbaahinta Webesite-yada la yidhaado iyo qaar kalaba sida ay u shaqeeyaan”.

Waxaa isna kulanka ka hadlay Agaasimaha wasaaradda arrimaha dibadda Cadicasiis Xirsi waxaanu ka warramay ahamiyadda ay leedahay inay suxufiyiintu ku dadaalaan wararka la hubo ee xaqiiqada ku salaysan, sidoo kalena waxa uu sheegay inay wasaaradda arrimaha dibaddu uga baahantahay  inay gudbiyaan warar la fahmikaro isaga oo arrimahaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi “waxaan isleeyahay fariinta Website-yadu ahamiyad wayn bay noo leedahay waana inay noqdaan meelo laysku halayn karo oo ay dunida kalena ka qaadato meeqaamkeena isla markaana ay gaadhsiiso meel-fogg waana arrinta aanu kulankan maanta idiinku qabanay”.

SOLJA6“Maanta wixii ka dambeeya waa inay fariinta aad gudbinaysaa ay noqdaan  kuwo gudibinaya xaqiiqada jirta, waxaan sidookale idinku dhiirrinayaa inaad yeelataan qaar idinka mida oo luuqadaha Ingiriiska iyo kuwa aan Somaliga ahynba wax ku qora” ayuu yidhi Agaasime Cabdinaasir Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha dibadda.

Waxaa isna halkaa ka hadlay Wasiirka warafaafinta Mr Guri-barwaaqo waxaanu ka warramay dareenkiisa la xidhiidha munaasibaddaasi “runtii farxad weyn bay ii tahay  inaan  maanta idinkala soo qaybgalo kulankan qiimaha badan ee warbaahinta aan qalinka ku shaqayn ee Website-yada” ayuu yidhi Wasiir Guri-barwaaqo.

SOLJA2Dhanka kalena waxa uu sheegay inaan la xidhi-karin suxufiyiinta ilaa ay xukuumaddu wax barto markaa kadibna la xidhi-karo “ilaa wax laydin baro laydinma xidhi karo laakiin markii wax laydin baro kadib waa laydin-xidhikaraa” ayuu yidhi Wasiir Guri-barwaaqo, dhanka kalana waxa uu sheegay inaysan suurto gal ahayn inay suxufiyiinta Somaliland luuqadaha Ingiriiska iyo kuwo kale wax ku qoraan haddiiba aanay luuqadoodii-hooyo ee Afkii Somaliga ahaa wax ku qori-karin waa sida uu hadalka u dhigaye.“Agaaasimuhu waxa uu yidhi waa inaad luuqadda Ingiriisiga wax ku qortaan laakiin waxaan leeyahay ninka Afkiisii hooyo wax ku qoriwaayey  Af-ingiriis waxba ku qori-kari mayo, waayo  ninka aniga wax ii sheegi waayey u malayn maayo Gaal-Dibadda jooga inuu wax u sheegikaro” ayuu yidhi wasiirka wasaaradda warfaafinta iyo wacyigelinta Cabdiraxmaan Gur-Barwaaqo.

Waxaa halkaa ka hadlay tabobaraha bixinaya duruustaasi Mr Cabdi Casiis Haaruun waxaanu halkaa ku soo bandhigay duruus-qiimo badan taas oo suxufiyiinta shirkaasi ka qayb galay gaar ahaan kuwa Online-ka ku shaqeeyaa ay ka faa’iidaysan doonaan mudada uu socdo kulankaasi.

Tabobarkan waxaa muddadaasi labada cisho ah ka qayb-qaadanaya ilaa 40 kamida suxufiyiinta wax ku qora Website-yada ee ka hawlagala gudaha magaalada Hargeysa.