Ururka Qareennada Somaliland ee SOLLA oo hoggaan Cusub Doortay

 

Hargeysa (SLpost)- Waxa maanta magaalada Hargeysa lagu soo gebo-gabeeyey Shirweynaha Ururka Qareennada Somaliland ee SOLLA oo saddexdii sannadba hal mar la qabto.

Shirweynaha SOLLA oo muddo hal maalin ah socday, waxa ka qayb-galay dhammaan qareennada Somaliland ee ka hawl-gala Maxkamadaha dalka, waxaana lagu doortay Hoggaan Cusub oo siyaasadda ururka hoggaamin doona saddexda sanno ee soo socda, waxaana sidoo kale lagu ansixiyey wax-ka-beddel lagu sameeyey xeer-hoosaadka Ururka.

Advertisement

Doorashada Hogaanka cusub ee Ururka Qareenada Somaliland oo soo martay marxalad iyo loolan u dhexeeyey dhowr xubnood oo shaaciyey inay xilka u tartamayaan, waxa ururku cod aqblabiyad ah Guddoomiyaha saddexda sanno ee soo socda ugu Garyaqaan Xasan Cabdillaahi Cawaale, halka guddoomiye ku-xigeenka ururka loo doortay Garyaqaan Mukhtaar Daahir Jibriil.

Sidoo kale, waxa madasha shirka lagu doortay Xoghaha Ururka SOLLA oo loo cumaamaday Garyaqaan Xuseen Maxamuud Fadal.

Muuqaalka Hoose ka daawo Warkan oo Faahfaahsan iyo Qaabkii ay u dhacday doorashada Hoggaanka Ururka Qareennada Somaliland

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net

Follow us On