Ururka Qareenadda Somaliland oo Tacaddii ka tirsanaya Xukuumadda, Qaylo-dhaan-na u Diray Hay’adaha Xuquuqal Insaanka

qareennadaHargeysa (SLpost)- Ururka Qareenadda Somaliland ayaa dhaleeceyey Xadhigga ay Ciidamada Booliska Gobolka Sanaag ay u geysten Guddoomiyihii Ururka Qareenada u qaabilsanaa  Gobolka Sanaag oo ku xidhan Magaalada Ceerigaabo.

Shir-jaraa’id oo hoggaanka ururka Qareennadu ku qabteen Xaruntooda Guud ee ee Magaalada Hargeysa, ayay ururrada xuquuqal-insaanka uga qayshadeen tacaddiyo ay sheegeen in xukuumaddu ku hayso Garsoorka dalka.

Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay Garyaqaan Maxamed Shabbeel oo ka mid ah Golaha Sarre ee Ururkaasi ayaa nasiib darro ku tilmaamay falka waxshinimada ah ee lagula kacay Garyaqaan Cali Siciid waxaanu yidhi.  “Waxaanu Cambaareynaynaa Falka Dacadiga ah ee loo geystay Garyaqaan Cali Siciid oo aan ahayn markii koowad ee tacadiyo noocaasi ah loo geysto bahda garsoorka iyo looyaradaba, waxaanu ugu baaqaynaa Xukumada tallada haysa iyo madaxweynahaba in la illaaliyo Sharafta bahda cadaalada oo halkeedii lagu soo celiyo oo laga daayo dibin daabyada.”Ayuu yidhi.

Isaga oo hadalkiisa sii waatan waxaa uu yidhi “Runtii falalka lagu kacayo Bahda Garsoorka ma ah kii koowad ama kii Labbaad ee xukumadu kula kacdo  waxaanu u soo jeedinaynaa in ay arrintaasi waxa ka qabato, haaddii bahda garsoorku meesha ka baxdo dawladnimo jirimayso, saddexda Rugni ee ay dawladnimadu ku taagan tahay ayey ka mid tahay Bahda Garsoorku, sidaasi awgeed garyaqaankan xidhan ee tacadiga loo geystay ee xidhan wuxuu ahaa guddoomiyihii ururka Gareenada u qabilsan Gobolka Sanaag looyarada jooga ee biixiya kalmada sharciga ee dadka lacag la’aanta ah ee masaakiinta ah ee aan iska biixin Karin lacagta uu qareenku ugu shaqeynayo,  hadaba qofka sidaasi ku shaqeynaya ee dadkiisi u shaqeynaya ayaa booliskuna taxdi u geysnayaan oo xafiiskiisi inta loogu tagay  oo suuqa dhexdiisa lagu garaacay ayaa haddana inta la soo laaladiyo  la xidhay, ma Ninkaasa Dad masaakiin ah u sii shaqeyn kara, xukumada waxaan leeyahay Falkan iyo falalka la midka ah Guddi qaran degdeg hawgu saarto, oo arrintan meel ku tiiraya, haaddii kale waxay dhalaysaa cawaaqib xumo intaa ka badan,”ayuu yidhi.

Guddoomiye Ku-xigeenka Ururka qareenada Somaliland Xassan Cali Xassan Banfas ayaa isaguna halkaasi ka hadlay waxaanu Xukumada Somaliland ugu baaqay in xoriyadiisa u soo celiso Garyaqaanka Cali Siciid Jaamac. Waxaanu yidhi, “Waxaanu cambaareyn kulul u jeedinaynaa cidii xidhay garyaqaan Cali Siciid Jaamac, runtii xuquuqdii uu lahaa garyaqaankasi waa lagu tacadiyey iyo waliba xuquuqdii dadkii uu matalayey ee uu xuquuqdooda Difaacayey, arrintaasi waxaanu u aragnaa faldanbiyeed aad u xun, oo aan ku koobnay shakhsiyada qareenka, balse saaameynaysa dhammaan ummada, waayo qareenku wuuxu mataleyey oo uu dacwad u hayey oo uu xuquuqdooda difaacayey dad muwaadiinin ah oo waliba ah dadka saboolka ah ee aan iska biixin Karin lacagta qareenka laggu qabsado, Waxa jirra in sanadadan danbe ay isa soo tarayaan tacadiyo ka dhan ah Bahda garsoorka, oo ay ugu badan tahay xadhig la xidho oo horena loo xidhay guddoomiyaha Ururka qareenada, isla garyaqaanka cali waxa hore loogu la kacay jidhdil imikan wuu xidhan yahay, waxa kale oo xidhan garsoorayaal ka mid ah bahda garsoorka gobolka sanaag, xadhiga jidhdilka lagula kacayo bahdii garsoorka waa waxa Somaliland ku cusub, waligeed maynan arag garsoorayaal la xidho, Xukuumada Somaliland waxaan ugu baaqay in ay soo celiso sharaftii uu lahaa garsoorku, oo karaamadii iyo haybadii garsoorka lagu ogaa halkiisi ku soo celiso, Waxaanu hay’ada  Xuquuqal insaanka ugu baqaynaa in ay arrintaasi diwaangaliyaan, waanuna cambaarweynayana falkaasi xukumadu ku kacday.”

Guddoomiyaha Ururka Qareenada Somaliland Foosi Sheekh Yoonis oo isaguna gabogabadii halkaas ka hadlay, ayaa cambaareeyey xadhigga lagula kacay guddoomiyaha ururkooda ee gobolka Sanaag, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa,   “Waxaanu Cambareynaynaa Falka Lagula kacay Garyaqaan Cali Siciid, waxaanu halkan Bulshada uga sheegaynaa, Madaxweynaha Somaliland u sheegaynaa, hay’adaha sharciga u sheegaynaa, guddida cadaalada u sheegayna, in aanu gobolka Sanaag sharci ka shaqeyn, sababta oo ah markaanu eegnay dhacdooyin badan oo kala danbeyey oo aanu diwaangalinay marka la eego, waxa ka mid ah in guddomiyaha gobolka Sanaag oo qufushay dhammaan xafiisyadii garsooryasha maxmadaha waa dhacdo dhacday oo ku soo baxday saxaafada oo illaa wakhtigan aanay xukumadu waxba ka qaban, waxa kale oo dhacday garsooryaal  xoriyada lagga qaaday iyadoon guddida cadaaladu ogolaan,” ayuu yidhi Guddoomiye Fooshi Sh. Yoonis.

SOMALILANDPOST.NET