Ururka Argagixisada Ah Ee Al-shabaab oo Toogtay Nin U Dhashay Tansaaniya Oo Ay Sheegeen Inuu Basaas Ahaa

Jidib(Slpost)-Xarakada Al-Shabaab ayaa magaalada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe, waxa ay meel fagaare ah galinkii danbe ee shalay ku toogatay nin la oran jiray Ciisa Jemis Mwaisiga.

Ninkan oo u dhashay dalka Tanzania, da’diisana lagu sheegay 27 sano jir, ayaa waxa uu ka tirsanaa ciidanka jabhadda ee xarakada tan iyo 2013-kii, sida lagu sheegay xog ay soo saartay Al-Shabaab.

Qaadiga maxkamadda Al-Shabaab ee Jubooyinka ayaa meel fagaare ah kaga dhawaaqay xukunka ninkan Tanzanianka ah lagu fuliyay.

Qaadiga ayaa sheegay in ninkaasi lagu helay in uu jaajuus u ahaa sirdoonka Mareykanka, sidaasi daraadeedna lagu riday xukunka dilka ah.

Al-Shabaab ayaa inta badan dil ku fulisa Soomaali ay ku eedeeyeen in ay u basaasayeen dowladda Soomaaliya iyo wadammada shisheeye.

Hasayeeshee waa markii ugu horreysay oo xukun noocan oo kale ah lagu fuliyo qof ajnabi ah oo Shabaab ugu yimid in uu kala qeybgalo dagaallada ay ka wado Soomaaliya.

Dilka ninkani ayaa ku soo beegmaya iyada oo Maraykanka uu sheegaya in duqaymo uu ka fuliyay Soomaaliya lagu bartilmaameedsaday sargaal sare oo ka tirsan Al-shabaab oo lagu magacaabo Xasan Cali Dhoorre.

Xasan ayaa la sheegay lagu tuhunsanaa in uu maleegay qarax ka dhacay garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo huteel magaalada ku yaalla oo dad Maraykan ah lagu dilay.