“Uma ogalaanayno inay doorashooyin ka dhacaan Sool,Sanaag iyo Cayn…” Cali Khaliif Galaydh

Hargeysa(SLpost)-Hogaamiyaha kooxda Khaatumo Cali Khaliif Galaydh ayaa ku hanjabay in aanay aqbalayn inay doorashooyin ka dhacaan gobalada Sool,Sanaag iyo Cayn, waxaanu ku tilmaamay doorashooyinkaas riwaayad.

Sida oo kale waxa uu ku baaqay in aan wakhtigan loo baahnayan dhiig daata, waxaana isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi “Warar badan ayaanu warbaahinta ka maqlaynay oo ay leeyihiin doorashooyinbaanu meesha ka qabanaynaa, doorashooyin ay Somaliland leedahay oo ka dhacaaya dhulka Maakhir iyo Khaatumo ma jirayaan, waa riyo doorashooyin iyo waxan ay sheegayaan awaliba ma dhici jirin hadana dhulkooda iyo dalkooda ha ku eekaadeen, waxaanu leenahay dhiig danbe oo daata iyo colaad hor leh oo la eedo looma baahna, Somaliland waxaanu leenahay madaxdeeda iyo kuwa leh masuulbaanu u nahay arimahaas armay fiicantahay inay ka waantoobaan, uma ogalaanayno inay doorashooyin ka dhacaan Sool,Sanaag iyo Cayn, ciday doonayaan inay qanciyaan oo riwaayado u dhigaan meelahooda hawga dhigeen, waa laga ayaabaa inay soo diraan sadex tikniko ah waanan maqlaynay niman meelahaas mar maraaya anaguna waxaanu leenahay waar nina calaacashiisa qoraxda kuma qarin karo, armay dantu ku jirtaa in aynu nabad wax ku wada raadino, wax badan ayaa inaga dhaxeeya ee armay fiican tahay danahaas aynu wada leenahay aynu u soo noqono oo caqli iyo xikmad la isticmaalo oo aan colaadii hore u jirtay iyo carqaladii dadkaas lagu hayay laga dhaafo.”

Cali Khaliid Galaydh oo ah hogaamiyaha khaatumo ayaa inta badan ah dibad wareeg dhuumaalaysta oo maleeshiyaadkii uu urursan jirayna ay ka kala dareereen kadib markii ay soo food saartay dhaqaale daro baaxsani.