“Uma Baahnin Beesha Caalamka ee joogta Soomaaliya” ~ Dhex-dhexaadinta Wakiilka EU-da oo laga Digay

Hargeysa (SLpost)- Hoggaanka sare ee urur-siyaasadeedka Miisaan, ayaa ka digay in Wakiillada dalalka Caalamka u qaabilsan Soomaaliya soo faro-geliyaan khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya xisbiyada Mucaaradka iyo Xukuumadda Somaliland.

Khamiistii shalay waxa dalka soo gaadhay Erayga gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya oo weheliyaan dublomaasiyiin kale, waxaanay kulamo la qaateen madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, guddoomiyeyaasha Xisbiyada Mucaaradka ah iyo sidoo kale hoggaanka sare ee Urur-siyaasadeedyada dhawaan lagu dhawaaqay.

Guddoomiyeyaha urur-siyaasadeedka Miisaan Prof Cabdisalaan Yaasiin oo ay weheliyaan xubno kale oo ka tirsan hoggaanka sare ee urur-siyaasadeed oo warbaahinta la hadlay, waxa ay xukuumadda iyo xisbiyada Mucaaradka ku canaanteen inay iyagu iskood u dhamaysan waayaan khilaafka sharci ee u dhexeeya, waxaanay nasiib-darro ku tilmaameen in Wakiillada Beesha Caalamka u qaabilsan Soomaaliya dhex-dhexaadin ka galaan khilaafkooda siyaasadeed.

Muuqaalka Hoose kaga Hadallada ay masuuliyiinta urur-siyaasadeedka Miisaan ka yidhaahdeen arrimahan

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net