Ujeeddada uu xambaarsan yahay Safar Madaxweynaha Somaliland iyo Wefti uu hoggaaminayo ugu baxeen Dalka Itoobiya 

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, iyo wefti balaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa gelinkii dambe ee maanta safar shaqo ugu baxay dalka Itoobiya oo uu muddo dhowr maalmood ah ku sugnaan doono.

Ujeeddada safarka Madaxweynaha waxa faahfaahin ka bixiyey afhayeenka madaxweynaha Somaliland, Maxamuud Warsame Jaamac, waxaanu sheegay in safarkani la mid yahay safaradii shaqo ee hore madaxweynuhu ugu bixi jiray waddamada caalamka iyo dalalka aynu jaarka nahay.

Afhayeenku waxa uu sheegay inuu madaxweynuhu muddada uu halkaas joogo kulamo la yeelan doono hoggaamiyeyaasha qaaradda Afrika oo magaalada Addis Ababa uu uga furmay shirka sannadlaha ah ee Ururka Midowga Afrika

Weftiga madaxweyaha waxa ka sii horeeyey oo muddo maalmo ah hawlo shaqo u joogay caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa Wasiirka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon).

Sidoo kale, waxa uu afhayeen Maxamuud Warsame sheegay in safarkan madaxweynuhu xoojin doono hawlihii diblumaasiyadeed ee wasiirka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ahi halkaasi uu u joogay muddooyinkii u danbeeyey.

Safarka madaxweynaha oo ayaa qaadan doonaa muddo kooban waxaana ku wehelinaya wasiirada Horumarinta Beeraha, Axmed Muumin Seedi, Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, Siciid Sulub Maxamed, Xidhiidhka golayaasha iyo arrimaha dastuurka, Maxamed Xaaji Aadan Cilmi iyo La-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha dhaqaalaha Cismaan Sheekh Axmed.

Socdaal Madaxweyne Biixi ugu baxay dalka Itoobiya, ayaa ku soo beegmaya xilli uu magaalada Addis Ababa ka socdo shirka Ururka Midowga Afrika oo ay ku sugan yihiin madaxda qaaradda Afrika oo uu ka mid yahay Madaxweynaha dalkaasi Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

Madaxweyne Biixi ayaa la sheegay inuu marti-qaad rasmi ah ka helay Raysal-wasaaraha Ethiopia, Dr Abiy Ahmed balse Lama oga in socdaalkani wax xidhiidh ah la leeyahay dedaallo uu muddooyinkan ku hawlanaa Raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, kaas oo uu dhex-dhexaadin iyo wada-xaajood fool-ka-fool ah doonayo inuu ku wada hadashiiyo madaxweynayaasha Somaliland iyo Soomaaliya.