Ujeeddada Socdaal Lix Wasiir oo xukuumadda Siilaanyo ka tirsan ku tageen Gobolka Gabiley

Gabiley (SLpost)- Waxa maanta gobolka Gabiley socdaal ku galaa-bixiyey Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale, Wasiirka Duulista Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Hawlaha Guud Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Wasiirka Beeraha Faarax Cilmi Geedoole, Wasiirka Xannaanada Xoolaha Cabdi Aw-Daahir, Wasiirka Ganacsiga Muuse Qaasim iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Maxamed Shugri.

IMG_2094Masuuliyiintan oo xubno ka ah Guddiga heer Qaran ee Siyaasadda Miisaaniyadda Qaranka oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Md Cabdicasiis Maxamed Samaale, waxay  kormeer ay ugu kuur-galayaan heerka dakhli-ururinta ku tagay xarumaha ilaha dhaqaale ee gobolka Gabiley.

Guddiga Miisaaniyadda heer Qaran iyo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale, waxa ay korkeer ku mareen Kastamka Cashuuraha ee magaalooyinka Kala-baydh iyo Tog-wajaale, halkaas oo kulamo ay albaabadu u xidhan yihiin warbixinno kaga dhegaysteen masuuliyiinta xarumahaas.

HALKAN KA DAAWO