Ujeeddada Socdaal ay Badhasaabka Togdheer iyo Cutubyo Ciidamada Qaranka ka tirsan ku gaadhay degmada Balli-dhiig

Burco (SLpost)- Badhasaabka gobolka Togdheer Maxamed Aadan Qabo iyo wefti uu hoggaaminayo oo ay weheliyaan cutubyo ka tirsan ciidanka Qaranka Somaliland, ayaa u anba-baxay degmada Balli-dhiig oo ka tirsan gobolkaas.

Ujeeddada Safarkan guddoomiyaha iyo weftigan ayaa la sheegay inuu ku qotomo u kuur gallida xaaladda deegaankaas oo ku yaalla xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya iyo sidi ay usoo ogaan lahaayeen dhacdo deegaankaas ka dhacday, kaddib markii ciidamada Liyuu Police-ka ee Ismaamulka Soomaalidu Itoobiya ay ku gubeen calanka Somaliland.

Sidoo kalena socdaalka gudoomiyaha ayaa la sheegay inu yahay sidii uu gudoomiyuhu ula kulmi lahaa masuuliyiinta gobolka Jarar oo kamida dawlad deegaanka Soomaalida itoobiya isla markaana ay uga wada hadli lahaayeen dhacdadaas.

Xaalada guud ee degmada Balli-dhiig ayaaa ah mid hada dagan wali ayciidamada Liyuu Boolisku shacabka deegaankaas u gaysteen hanjabaado.

Dhacdadan ayaa ka dambaysay kaddib markii ciidamo isugu jira kuwa Ismaamulka Soomaalida iyo kuwa Federaalka Itoobiya ay dad Shacab ku xasuuqeen deegaan Balliga Jaamac Dubbad, halkaas oo ay si arxan darro ah ugu laayeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan.