Ujeeddada Siminaar loo qabanayo Madaxweynayaasha Siddeed Is-maamul goboleed oo ka tirsan dalka Itoobiya

abdi_mohamad_omarWefdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Itoobiya (DDSI) Cabdi Maxamuud Cumar oo ay xubno ka yihiin Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo masuuliyiin kala duwan, ayaa shalay galab u ambabaxay caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, halkaas oo ay kaga qayb-galayaan Aqoon-korodhi ku saabsan nidaamka doorashooyinka Dimuquraadiga ah

Sida lagu baahiyey warbaahinta DDSI, dawladda Federaalka Itoobiya ayaa magaalada Adhama ee deegaanka Oromiya ku qabanaysa Kulan-hawleed socon doona muddo 3 maalmood oo madax ka socota xafiiska xisbiga EPRDF ee haya talada dalka Itoobiya ku bixin doonaan casharo ku saabsan sidii doorashooyinka la filayo inay sannadka soo socda gudihiisa ka dhacaan guud ahaan dalka Itoobiya ugu qabsoomi lahaayeen nidaam dimuqraaddi ah.

Kulan-hawleedkaas oo la sheegay inay ka qeyb-geli doonaan Siddeed Madaxweyne dawlad-deegaan, wasiirada heer Federaal ee Dawladda Itoobiya iyo madax kale oo gaadhaysa ilaa 1,200 oo ka kala socda deegaamada kala duwan ee Itoobiya, ayaa la sheegay in DDSI iyo xisbigooda xubnahii ay u xusheen inay uga qeybgelaan tababarkaa qeyb ka ahaayeen wefdiga Madaxweynaha DDSI Cabdi Maxamed ku wehelinayey safarkiisa shalay.

Guud ahaan dalka Itoobiya oo la filayo in doorashooyinka heer Federaal, Dawlad-deegaan ilaa degmooyin ka dhacaan badhtamaha sannadka soo socda, ayaa ujeedada kulan-hawleedkaas lagu sheegay mid ay ugu diyaar-garoobayaan hirgelinta doorasho si nidaam Dimuqraaddi ah uga qabsoonta dalka Itoobiya.