Ujeeddada Mudaharaadyo Ballaadhan oo ka socda Jidadka magaalada Hargeysa + Muuqaallo

Hargeysa (SLpost)- Magaalada Hargeysa, ayaa subaxnimadii hore ee saaka ku waabariisatay Bannaan-baxyo salmi ah oo dadweynuhu ku marayaan jidadka waaweyn ee caasimadda.

dsc05863Bannaan-baxyadan oo ay ka qayb-qaadanayaan ururrada bulshada, haweenka iyo Ardayda dugsiyada caasimadda Hargeysa, isla markaanaillaa immisa socda, ayaa ujeeddadu tahay qaar lagu taageerayo go’aankii Golaha Wakiillada Somaliland ku meel-mariyey Kala-Qaadista doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada oo madaxweyne Siilaanyo digreeto uu dhawaan soo saaray ku kala saaray labadaas doorasho oo hore loogu qorsheeyey inay dalka ka qabsoomaan badhtamaha sannadka dambe.

dsc05849Sidoo kale, bannaan-baxyadan, ayaa lagaga soo horjeeday mowqif diidmo ah oo beesha caalamka ee Somaliland ka taageera doorashooyinku kaga soo horjeedsatay go’aankaas iyagoo ku adkaystay in labada doorasho isku mar la-qabto, hadii la qaban-waayana ay ka fiirsanayaan qaadhaanka ay ku darsadaan qarashaadka ku baxa doorashooyinka Somaliland.

dsc05865Madaxweynaha Somaliland Md Axmed-Siilaanyo, ayaa doraad jawaab ka bixiyey mowqifka beesha caalamku kaga soo horjeedsatay go’aanka ka soo baxay Golaha Somaliland eek u wajahan doorashooyinka.

Mudaraharaadyadan oo salmi ah ayaa u muuqda qaar ay soo abaabushay Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, iyadoo dadka ka qayb-qaadanaya u badan yihiin ardayda Dugsiyada iyo Urrurada bulshada rayidka ah.

dsc05880dsc05842

DAAWO MUUQAAL LAGA DUUBAY BANNAAN-BAXA

LA SOCO WIXII WARAR AH EE KA SOO KORDHA