Ujeeddada Mudaharaad Gilgilay magaalada Laascaanood

Advertisement

 

Hargeysa (SLpost)- Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, waxa maanta ka dhacay Mudaharaad ballaadhaan oo shacabku ka sameeyeen Jidadka magaaladaas.

Ujeeddada Mudaharaadkan ayaa ahaa mid  lagaga soo horjeedo sicir-barar baahsan oo ka jira magaalada iyo isticmaalka lacagta shilin Soomaaliga.

Advertisement

Bannaan-baxa oo si nabadgelyo ah ku qabsoomay, waxa ka qayb-qaadanayey dadweyne tiro badan oo ka kooban qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada Laascaanood.

Guddoomiyaha gobolka Sool Md Cabdiqani Maxamuud Jiidhe oo ka hadlay mudaharaadkan ayaa sheegay in uu si nabadgeliyo ah ku dhammaaday, isla markaana ay dowlad ahaan ku hawlan yihiin sidii loo beddeli lahaa lacagta shilinka Soomaaliga oo si rasmi ah gobolka looga hirgelin lahaa lacagta Shilinka Somaliland.

Gobolka Sool ayaa laga isticmaalaa lacagta Shilinka Soomaaliga iyo lacagta Shilinka Somaliland labadaba, waana gobolka kali ah ee gudaha Somaliland wali laga isticmaalo lacagta shilinka Soomaaliga oo laga adeegsado gobollo ka tirsan Soomaaliya.

Xukuumaddii hore ee madaxweyne Axmed Siilaanyo, ayaa ku guulaysatay inay lacagta Shilinka Soomaaliga dowladdii Soomaaliya (Giimbaarta) ka beddesho gobolka Togdheer sannadkii 2011-kii iyo gobolka Sanaag oo laga beddelay sannadkii 2013-dii. Lacagtaas Giimbaarta ee la beddelay ayaa isticmaalkeedu ku koobnaa gobolla Togdheer iyo Sanaag.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Advertisement