Ujeeddada Kulan Madaxweynaha Somaliland la yeeshay Badhasaabbada gobollada iyo Maayarrada magaalooyinka waaweyn ee dalka

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabiley Guddoomiyeyaasha Gobollada Somaliland iyo Maayarrada Magaalo-madaxyada Gobolada Dalka.

Kulanka Madaxweynuhu la qaatay Badhasaabbada iyo Maayarrada dalka waxa madaxweynaha ku wehelinaayey Wasiirrada Arrimaha Gudaha iyo Madaxtooyada Cali Maxamed Warancade iyo Xirsi Cali Xaaji Xasan.

DSC_0006Ujeeddada kulanka ooo la xidhiidhay mid lagu xoojinayo Ammaanka, hirgelinta Diiwaangelinta muwaadiniinta iyo codbixiyeyaasha iyo horumarinta adeegyada Bulshada gobollada iyo degmooyinka dalka, waxa hadallo dhiiri-gelin iyo guubaabin ah ka jeediyey Wasiirrada Arrimaha Gudaha iyo Madaxtooyada, waxaana ugu dambayntii kulanka soo afmeeray madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

HALKAN KA DHEGAYSO

mobile