Ujeeddada Kulan Dhexmaray Xukuumadda iyo Culimada dalka qaarkood iyo Arrimo Xaasaasi ah oo Khilaaf ka taagan yahay (SAWIRRO)

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cade, ayaa maanta kulan la yeeshay Xubno ka mida Culimada Ehlu Sunna Waljameeca ee magaalada Hargeysa.

Kulanka oo daba-socday ballan wasiirka iyo Culimada u dhaxaysay, ayaa ujeeddadiisu la xidhiidhay Adkaynta Amaanka iyo midaynta culimada iyo mahdabaha Dalka, ku-dhaqanka diinta islaamka iyo sidii looga saari lahaa meeesha Fekerrada Qaldan ee Diinta Islaamka ka hor-imanaya.

6In kasta oo saxaafaddu dibad-joog ka ahayd arrimaha lagaga hadlay kulanka marka laga yimaaddo ujeeddada guud ee kulanka lagu magacaabay, mar jirto wax natiijo ah oo ka soo baxday, balse waxa loo ballamay maalinta Berri ah in kulan dambe laysugu yimaaddo.

Culimada Kulanka qaatay Wasiirka Arrimaha Gudaha, waxa hoggaaminayey Sayid Maxamed Sayid Cabdilaahi X.Cilmi, Sh C/raxmaan Yaasiin iyo Sh Axmed Caabi Cabdi.

4Sida ay ilo lagu kalsoon yahay u Xaqiijiyeen shabakadda Somalilandpost.net, Kulanka maanta oo daba-socda kulan dhicisoobay oo todobaadkii hore dhexmaray Culimada Ehlu Sunna wal Jamaaca iyo Wasiirka Diinta iyo Aw-Qaafta, ayaa salka ku haya saluug ay culimada Ehlu Sunna Waljamaca ka muujiyeen wada-shaqayn la’aan ay ka tirsanayaan xukuumadda madaxweyne Siilaanyo oo ay ku tilmaameen inay kala faquuqayso culimada dalka isla markaana ay wixii talo ah ee dhinaca Diinta, wada-shaqaynta iyo wacyi-gelinta bulshada ay kala xidhiidho culimo tiro yar oo xukuumaddu si gaar ah u xulatay.

2Sidoo kale, waxa ay ilo-wareedyadani u sheegeen Somalilandpost in ujeeddada kulanka culimada Ehlu Sunna Waljamaca iyo xukuumadda ay salka ku hayso khilaaf ka taagan dhismaha Golaha Culimada Dalka oo madaxweyne Siilaanyo hore qalinka ugu duugay, waxaanay culimadani ka digeen in la siyaasadeeyo oo cid gaar ah oo xukuumadda wada-shaqayn la leh loo xusho Guddiga Sare ee Golaha Culimada dalka.