Ujeeddada Kulan Dhexmaray Wasiirka Maaliyadda iyo Guddoomiyeyaasha Gobollada iyo Degmooyinka Dalka

 

Hargeysa (SLpost)- Masuuliyiinta wasaaradda Horumarinta Maaliyadda ayaa kulan la yeeshay guddoomiyeyaasha gobollada iyo Maayarada dalka oo socdaal ku jooga Hargeysa kaddib markii uu shalay kulan la yeeshay madaxweynaha Somaliland oo isugu yeedhay.

Kulankaas oo ka qabsoomay magaladda Hargeysa waxa ka qayb galay Masuliyiinta ugu saraysa wasaaradda Maaliyada, wasiir ku xigeenka iyo agaasima guud ee Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo masuuliyiin kale.

Ujeeddada kulankan ayaa ahayd sidii masuuliyiinta gobollada, Degmooyinka iyo Wasaaradda Maaliyadu isaga kaashan lahaayeen soo saarinta dakhliga odoroska Miisaaniyada ee sannadkan 2021-ka, halka sidoo kale lagu gorfeeyay kulankaas wada shaqeynta ka dhaxaysa dawladaha hoose iyo Wasaaradda Maaliyadda.

Wasiirka Wasaaradda horumarinta Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire iyo Wasiir ku xigeenka wasaradda arrimaha gudaha ayaa sheegay in waajibaadka xukuumadda saarani uu yahay sugida nabadgelyada guud, fidinta adeegyada arimaha bulshada, kobcinta dhaqaalaha, dhismaha kaabayaasha dhaqaaalaha iyo sidii maamul daadejin loogu samayn lahaa dawladaha hoose ee dalka, iyaga oo u soo jeediyay in dawladaha hoose kaalin ka qaataan soo xaraynta dakhliga Miisaanaiyada Qaranka.

Agaasimayaasha guud ee wasaaradaha Maaliyada Arrimaha gudaha, Maayarka caasimadda Hargeysa iyo guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex oo halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay muhiimadda kulankaas, iyaga oo soo dhaweeyay guddoomiyeyaasha gobollada iyo Maayarada degmooyinka dalka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net