Ujeeddada Kulan Dhexmaray Madaxweyne Muuse Biixi iyo Hoggaanka Ururka Sarrifleyaasha Somaliland

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan la qaatay hoggaanka sare ee ururka sarriflayaasha Somaliland ku bahoobeen ee WADA-JIR.

Kulanka uu madaxweynuhu la qaatay hoggaanka sare ee ururka sarrifleyaasha Somaliland, ayaa waxa goob-joog ka ahaa wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire, madaxda sare ee Baanka dhexe iyo qaar kamid ah hoggaanka xisbiga KULMIYE, waxana ay madaxweynaha iyo xubnaha ururka sarriflayaashu halkaas iskaga xog-waraysteen xaaladda guud ee sarrifka iyo kor u kaca ku yimi shilinka Somaliland.

Guddoomiyihii hore ee ururka sarriflayaasha Somaliland ee WADA-JIR, Mudane Axmed Xasan Mataan (Awliyo) iyo guddoomiyaha cusub, Mudane Barkhad Axmed Coofiye oo ugu horrayn kulanka ka hadlay, ayaa madaxweynaha ku ammaanay sida hagar la’aanta ah ee uu wax uga qabtay sarrifka iyo kor u qaadidda shilinka Somaliland, iyaga oo caddeeyey inuu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi noqday madaxweynihii ugu horreeyey qiimaha shilinka kor u qaada.

Guddoomiyaha Baanka dhexe, Mudane Cali Ibraahim Baqdaadi oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa caddeeyey guusha laga gaadhay hoos udhaca doolarka iyo kor u kaca shilinka Somaliland ay tahay siyaasad guud oo ay dawladdu dejisay, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya yidhi, “Dawladda oo joojisay kharashaadkii saayidka ahaa ee aan ku jirin miisaaniyadda joojisay oo ugu horreeyo wasiirka maaliyadda oo xakameeyey lacagtii iska bixi jirtey, oo imika wax aan miisaaniyadda ku jirin ma saxeexo, annaguna Baanka haddaanu nahay waxayagu waa farsamo, laakiin siyaasadda dawladda ayaa keentay in dhaqaaluhu dego, sicir-bararkuna hoos u dhaco.”

Wasiirka wasaaradda horumarinta Maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire, ayaa isaguna dhinaciisa ku dheeraaday dedaalladii ay xukuumaddu u martay kor u qaadista shilinka Somaliland iyo soo noolayntiisa, waxana uu sarriflayaasha ku adkeeyey inay ku dedaalaan sidii uu shilinka dalku qiime u yeelan lahaa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu horrayn xubnaha sarriflayaasha ah kula dardaarmay in waayo aragnimada iyo khibradda dheer ee ay hayaan uga faa’iideeyaan bulshadooda, kana dhigaan dhaxal ay manaafacaadsadaan jiilalka dambe ee dhalan doonaa.

Madaxweynuhu waxa uu ammaanta sare u kaca shilinka Somaliland dusha u saaray madaxda maaliyadda iyo Baanka dhexe, isaga oo sarriflayaasha laftooda ku tilmaamay inay guushaas qayb ku leeyihiin, “Arrinta sarrifka iyo hawsha aad qaranka u haysaan aad baan idiinkaga mahadnaqayaa, wasaaradda maaliyadda, xisaabiyaha guud iyo qoladaa Baanka ayaa iska leh ammaan iyo wixii ay dalka tareen, iyagaana hawshaas kasoo baxay, anigu waan u yeedhay dalku hawshaas ayuu u baahan yahaye qabta ayaan ku idhi, weyna ku ammaanan yihiin, idinkii la shaqeeyeyna waad ku mahadsan tihiin,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ugu dambayntii ururka madaxda sarriflayaasha Somaliland ee WADA-JIR, waxa ay shahaado-sharaf ay kaga mahadcelinayaan kaalintii ay ka qaateen kor u qaadista shilinka Somaliland ku maamuuseen madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, wasiirka wasaaradda horumarinta iyo guddoomiyaha Baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland.