Ujeeddada Kulan Dhexmaray Guddi Qaramada Midoobay ka socota iyo Ergada Somaliland ee Turkiga ku sugan

Istanbul (SLpost)- Guddiga Farsamo ee Dawladda Somaliland u xil-saartay Maamulka Hawada, ayaa kulan gaar ah magaalada la qaatay wefti ka socday Hay’adda Duulimaadyada Caalamiga ah u qaabilsan Qaramada Midoobay ee loo yaqaanno ICAO, kuwaas oo socdaal ku tagay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga si goob-joog uga noqday wada-hadallada dhicisoobay ee Somaliland iyo Somaliya.

Guddiga Farsamo ee Somaliland u qaabilsan Maamulka Hawada Sare oo qayb ka ah Ergaga Wada-hadallada Soomaaliya ee burburay u jooga dalka Turkiga, isla markaana ay xubno ka yihiin Wasiirrada Duulista Hawada iyo Hawlaha Guud iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista, ayaa shalay kulan gaar ah la qaatay Guddiga ka socotay hay’adda ICAO oo gacanta ku haysa Maamulka Hawada Sare ee Dalweynihii laysku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal uu soo saaray Wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland.

kulanka“Maanta (shalay) oo ay bishu tahay 02/03/2015 waxa Hotelka weyn ee Conrad ee magalada Istanbul shir gaar ah ku qaatay Waftigii ka socday Hayada ICAO uu hohgaaminayay Ivana Galan oo ah agaasimaha Waaxda Farsamada ee ICAO ( TCB) iyo Xubnihii gudida farsamada arrinta hawada ee dhinaca Somaliland oo ka kooban Wasiirka Duulista Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Wasiirka Hawlaha Guud Cabdirasaaq Khaliif Axmed iyo Agaasimaha Waaxda DuulistaSiciid Mahdi Ileeye. Kulankaasi oo ay labada dhinac isku xog waraysteen kuna qaada dhigeen carqaladaha iyo dhibaatooyinka ku xeeran xil wareejinta mashruuca maamulka Hawada Somaliya iyo Somaliland ee ay hadda gacanta ku hayaan Qaramada Midoobay fadhiga looga arimiyana yahay magaalad Nairobi.”

Waxa kale oo Qoraalka lagu yidhi, “Mashruucan maamulkiisu waa mid ay Somaliland iyo Somaliyaba marti uga yihiin Qaramada Midoobay cid gaar loogu wareejiyayna ilaa hada aanu jirin, isla markaana muddo saddex sanadood ee soo socda ay gacanta ku hayn doonaan iyagu sida ay shirkaa ka cadeeyeen. taasoo u jeedadu tahay in mudadaa la dhiso aqoonta iyo tayada shaqalaha iyo qalabka somaliya iyo somaliland in xeerar loo sameeyo lagu maamulo hayadaha ay khusayso , in la xaliyo khilaafadka ku xeeran ee u dhaxeeya labada dawladood ee somaliland iyo somaliya. Gudidda farsmo ee arrinta hawada Somaliland waxay u cadeeyeen si aan laleemo iyo labac-labac toona lahayn in aanay dal ahaan marnaba aqbalayn in maamulka hawada Somaliland lagu wareejo Somaliya oo ay iyagu kaligood maamulaanda. Sidoo kale waxay u gudbiyeen mpwqifkooda ma guuranka ah ee ay u arkaan xalka kama danabaysta waxaan ka mid ah:-

  1. In la meel mariyo wixii lagu heshiiyay Shirkii Istanbul 1, kaasoo nuxurkiisu yahay in maamulka hawada Somaliya iyo Somaliland loo sameeyo guddi madax baanaan oo maamusha fadhigooduna uu yahay Magalada Hargeysa, si kale markan u dhigno FIR-ka waxa lagu rakibayaa magalad Hargeysa lagana maamulaya
  2. In Somaliland iyo Somaliya dal walba gaar loogu wareejiyo maamulka hawadooda .

Guddida wada-hadalada Somaliland ee uu Gudoomiyaha u yahay Wasiirka Ariimaha Dibada somaliland Maxamed Bixi yoonis waxa uu aaminsanyahay kuna qanacsan yahay in haddii qodobadan kor ku xusan la meel marin waayo in Qarmada Midoobay oo gacanta ku sii haysa mashruucan ay xalalka ka mid tahay.” Sidaas ayaa lagu sheegay Qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland.

SOMALILANDPOST.NET