Ujeeddada Kulan Boorama ku dhexmaray Daneeyeyaasha Doorashada Deegaanka ee Gobolka Awdal

Borama (SLpost)- Gudoomiyaha Gobolka Awdal oo ay Weheliyaan Maayarka Magaalada Boorama iyo Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Awdal ayaa Maanta kulan kula yeeshay Xarunta Maamulka Gobolka Labada Xisbi Qaran iyo Shanta Urur Siyaasadeed iyo Komiishanka Doorashooyinka ee Heer Gobol iyo mid Degmo.

Ujeeddada Kulankan ayaa salka ku haysay u diyaar garowga bilowga Ololaha Doorashada Golayaasha Deegaanka oo lagu wado in beri oo Isniin ah uu dalka Guud ahaan ka bilaabo Urur Siyaasadeedka Ummada isla markaana ay si xidhiidh ah u socon doonto mudo afar todobaad ah.

Maayarka Magaalada Boorama C.raxmaan Shide Bile oo hadal ka jeediyay kulankaas ayaa tilmaamay sida loogu baahan yahay in talo midaysan laga yeesho in ololaha loo maro qaab waafaqsan nidaamka anshaxa doorashada isla markaana ay reeban tahay in Xisbi ama Urur uu ku ololeeyo wax aflagaado ah waxa uu maayarku intaas ku daray in sidoo kale ay mamnuuc tahay in laga Ololeeyo Goobaha Cibaadada sida Masaajidada iyo Goobaha Waxbarashada .

Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Awdal Axmed Xaaji C.raxmaan oo madashaasi ka hadlay ayaa sheegay in dhamaan Madax iyo dadweyneba uu xil ka saaran yahay ilaalinta wax kasta oo nabadgalyada wadanka iyo ta gobolka awdalba saamayn ku leh isagoo taliyuhu u soo jeediyay Hogaanka Xisbiyada iyo Ururada Siyaasadu inay Wada Shaqayn dhab ah la yeeshaan Ciidanka Booliska oo mar walba diyaar u ah Sugida Nabadgalyada .

Gudoomiyaha Gobolka Awdal Axmed Xadi Sidci oo kulankaasi ka hadlay ayaa ku Wargaliyay Xisbiyada iyo Ururada ololaha doorashada ka qayb qaadanaya inuu mid kastaaba soo gebo gebeeyo ololihiisa saacadu markay tahay afarta galabnimo,iyadoo inta laga gaadhayo lixda Makhribnimana uu Ururka ama Xisbiga maalinta ku xigta lihi uu dadweynaha ku sii Wargalinayo isu soo baxa ay ku soo bandhigayaan barnaamijkooda .

Waxaa kale oo Madashaasi ka hadlay Xubno ka tirsan Komiishanka Doorashooyinka ee  Heer Gobol iyo Madaxda Xisbiyada iyo Ururada Siyaasada ee  Gobolka Awdal.

Somalilandpost.net/Borama