Ujeeddada iyo Shaqada ay Qabanayaan Guddi 22 Xubnood Ka kooban Xisbiyada Mucaaradku Samaysteen

 

Hargeysa (SLpost)- Xisbiyada Mucaaridka Somaliland ee UCID iyo Waddani, ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Hargeysa, waxay shaaciyeen inay samaysteen Guddi ka kooban 22 xubnood oo ka soo talo bixiya xaaladaha dalku marayo xilligan.

Guddidan ayaa ujeeddada loo abuuray tahay inay noqoto guddi hawleed qiimeyn ku samaynaysa xaaladda siyaasadeed ee dalku xilligan marayo oo muranka xubnaha Guddiga Doorashooyinku u horreeyo, sida uu sheegay Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil Yare) oo ka tirsan xisbiga Waddani oo halkaasi ka akhriyey ujeeddada kulanka labada xisbi iyo waxyaabaha ay ku heshiiyeen.

Siyaasi Ismaaciil Aadan Cismaan waxa uu sheegay in Guddigan oo Xisbi waliba yeelayo 11 xubnood kuwaas u kala baxaya laba guddi oo midkood yahay 4 xubnood oo guddoomiyaha Xisbigu ku jiro iyo todoba xubnood oo qaabilsan hawl-maalmeedka ay la wadaagayaan xisbiga kale.

Faahfaahinta Warkan ka daawo Muuqaalka Hoose

https://www.youtube.com/watch?v=0wo0r-07wt8