Ujeedada Kulan Dhex-maray Muuse Biixi Iyo Faysal Cali Waraabe

Hargeysa (SL.Post) Kulankan magaalada Hargeysa ku dhex-maray Guddoomiyeyaasha xisbiyada UCID iyo KULMIYE, ayaa tibaaxuhu sheegeen in lagaga wadahadlay khilaafka xisbiga UCID oo laga war-sugayo inay go’aan ka soo saarto Maxkamada sare dacawada u dhaxaysa Faysal Cali Waraabe iyo Jamaal Cali Xuseen

14265005_1166435283379347_1455225326311890324_n

 

Xogaha ayaa intaas ku daraya in kulankan ay yeesheen Muuse Biixi iyo Faysal Cali Waraabe in musharraxa Madaxweynaha xisbiga KULMIYE Guddoomiye Faysal ku qaniciyay inuu dejiyo qorshe siyaasadeed oo nuxurkiisu yahay sidii uu caqabad ugu noqon lahaa musharraxnimada Jamaal Cali Xuseen oo Muuse Biixi halgan siyaasadeed ugu jiro sidii uu u hantiyi lahaa codka gobolka Saaxil iyo beesha Subeer Awal oo ay Muuse iyo Jamaal ka soo jeedaan, islamarkaana aanay meesha uga bixin kalsoonida KULMIYE ka raadinayo bulshada Berbera.

 

 

Musharraxa Madaxweynaha xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa isagu hore ugu eedeeyay Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ahan musharraxa Madaxweynaha xisbigaasi inuu caqabad ku yahay hankiisa siyaasadeed uu ku doonayo hoggaaminta Somaliland.

 

 

 

Somalilandpost.net