TURKIGA: Weerarada Ruushku ka Geysanayo Waddanka Syria waa kuwo aan la Aqbali karin

 

Madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in weerarrada uu Ruushku ka geysanayo dalka Suuriya ay yihiin kuwo aan la aqbali karin, isagoo xusay in Ruushku uu khaladaad badan ka geystay gudaha Suuriya.

Diyaaradaha dagaalka waddanka Ruushka ayaa maalmihii u dambeeyay weerarro cirka ah ka geysanayay gudaha dalka Suuriya, iyagoo duqeeyay in ka badan 10-xarun oo ay dalkaas ku lahaayeen xoogagga kooxda Daacish ama ISIS.

“Tallaabooyinka Ruushka uu kaga geysanayo dalka Suuriya weerarrada cirka ah waa kuwo aanu Turkigu sinnaba ku aqbali karin… Nasiib-darro Ruushku wuxuu galayaa khaladaad waaweyn,” ayuu yiri Madaxweynaha Turkiga Erdogan oo shir jaraa’id maanta ku qabtay dalka Faransiiska oo uu booqasho ku marayo.

Sidoo kale, madaxweynaha Turkiga ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in marka la eego xidhiidhka saaxiibnimo ee u dhexeeya Turkiga iyo Ruushka; haddana waxaan si aad ah uga naxsannahay weerarrada uu ka geysanayo Suuriya, isagoo uga digay Ruushka in aan laga go’doomin gobolka oo dhan.

Waddamada Ruushka iyo Turkiga ayaa muddo dheer si isku mid ah walaac xooggan uga qaybay colaadda ka jirta Suuriya. Iyadoo Ruushku uu go’aansaday inuu dhanka ciidamada ka taageero madaxweyne Bishaar Al-Assad, halka Turkiga ay Ruushka uga digeen in xalka aanu ku raadin colaad.

Erdogan ayaa hadalkiisa raaciyay in Ruushka oo keliya uusan ahay kuwa gacanta siinaya Madaxweyne Al-Assad, balse Iiraan ay iyaduna gacanta kula jirto colaada dalka Suuriya ka taagan, isagoo uga digay inay dhibaatada dalkaas aan lasii kordhin.

Dhanka kale, Xukuumadda Ruushka ayaa iyaduna dhankeeda sheegtay in weerarradeed ay ka geysanayso Suuriya ay ku bartilmaameedsanayso oo keliya Kooxda Islaamiga ah ee IS, balse ayna jirin meelo kale oo ay doonayso inay weerarro ka fuliso.

Ugu dambeyn, waddamada reer galbeedka iyo Turkiga ayaa waxay hadal ay soo saareen ku xusay in diyaaradaha dagaalka wadanka Ruushku uu duqeeyay xarumo ay ku suganaayeen xoogagga dagaalka kula jira Xukuumadda Bishaar Al-Assad.