Turkiga oo Diyaaraddii Saddexaad ka soo riday Ciidamada Suuriya

 

Ankara (SLpost)- Ciidamada Millateriga ee Dalka Turkiga ayaa Salaasadii Shalay soo riday Diyaarad dagaal oo ay lahayd Suuriya.

Turkiga ayaa diyaaradda ku soo riday Gobolka Idlib ee Waqooyi-galbeed ee dalka Suuriya, sidaana waxa xaqiijiyey Wasiirka Difaaca ee Dawladda Turkiga.

Wasiirku wuxuu sheegay in diyaaraddani tahay tii saddexaad ee uu Turkigu ka soo rido Suuriya oo xilligan uu ka dhexeeyo Xurguf dagaal.

Turkiga ayaa Toddobaadkii hore ee dhammaadkiisii bilaabay Weerarro uu la beegsanayo Ciidammada Ruushku taageer ee Dawladda Suuriya ka jooga Gobolka Idlib oo ku yaalla Waqooyi-galbeedka Suuriya.

Wasiirka Difaaca Turkiga ayaa sheegay in diyaaradaha laga soo riday Ciidammada Suuriya ay ka mid tahay Guulaha uu Turkigu ka gaadhay Hawl-galka uu ka wado Gudaha Suuriya.

Diyaaradda Saddexaad ee Turkigu ka soo riday Suuriya ayaa nooceedu ahaa L-39, sida uu qoray Wargeys The Defence Post oo ka warrama Arrimaha la xidhiidha Ciidammada.

Wakaaladda Wararka ee Suuriya ee SANA oo Wargeysku soo xigtay ayaa  sheegtay in la rumaysan yahay in diyaaradda uu Turkigu soo ritay uu ku dhintay Duuliyihii waday.