Turkiga(SLpost)-Turkiga ayaa sheegay, in siddeed iyo toban qof oo Turkish ah laga afduubay meel dhismo ka socday dalka magaalada Baqdaad ee Ciraaq.
Niman wajiga iska duubay oo xidhan dharka milatariga ayaa ka afduubay shaqaalaha meel ay jiifeen oo ah dhismo la dhisayay.Saraakiisha Ciraaq ayaa sheegay in aanay ogayn cidii ka danbaysay afduubka.
Turkiga ayaa dhawaan bilaabay olole weerar oo ay kula dagaalamayso ururka la magac baxay dowladda Islaamiga.Waxay sidoo kale u ogolaatay diyaaradaha Maraykanka inay isticmaalaan saldhigyo ku yaalla Turkiga.