Turkiga: Maxaa Ka Dhab Ah Inqilaabka Dhicisoobay?Qaybta Kowaad – Qallinkii Xassan Cumar Hoorri

xasan-cumar-hooriMaxaa Dhacay?

Habeenkii Jimacaha, qaybo ka mid ciidamada qalabka sida ee dalka Turkiga ayaa ku dhawaaqay in ay afgembiyeen xukuumaddii ka dib markii ay Madaxweyne Tayyiip Erdogan ku eedeeyeen in uu maroorsaday taladii dalka, isla markaana uu baylahshay nabadgelyadii. Waxaa ay sheegeen dalkii Turkigu xilligan in uu hoy u noqday hawlgallo argagaxiso. Haddaba, sidee wax u dhaceen?

1o:30 (Caweyskii) – Jimce. Ciidamo ayaa xidhay buundooyinka (Bridges) Furraat iyo Sultan Mehmet ee magaalda Istanbul si ay u hakiyaan isu socodka dadweynaha.  Tallaabadaasi, isla markiiba, waxaa ay shaki ku abuurtay gadiidlayda isaga tallaabayay goonyaha magaalada.

10:50 – Dayuuradaha nooca Jet iyo kuwa sida qummatiga u kaca (helicopters) ee ciidanka cirka ayaa si baahsan u kor haadayay caasimadda Ankara.

11:00 – Ra’iisal Wasaraha Turkiga Binali Yilkdirim ayaa warbaahinta u sheegay in uu jiro dhaqdhaqaaq ciidan kaasoo ay dalka ka wadaan tiro yar oo dano gaar ah leh una adeegaya shisheeye. Binali waxaa uu shacabka u ballanqaaday xukuumaddu in ay ka hawl gelayso sidii loo xakamayn lahaa damaca lagu burburinayo dalka isagoo shacabka ka codsaday in ay is dejiyaan.

12:00 – (Saqda Dhexe) kooxaha inqilaabka ayaa xoog ku qabsaday Telifishanka Qaranka TRT. Dhinaca kale, Taliyahii Guud ee Ciidanka Qaranka, Hulusi Akar, ayaa ka mid ahaa dad kooxdu ay ka qafaasheen caasimadda Ankara.

12:15 –Telifishanka Qaranka TRT ayaa sii daayay Ciidanka Qaranku in ay la wareegeen taladii iyo in ay gacanta ku dhigeen dhammaan maamulkii dalka. Sidaa darteed, waxaa la  laalay distuurkii dalka iyadoo ciidanku dalka ku xukumiyaan Xukun Askari (Martial Law) ilaa iyo inta laga sameynayo distuur cusub. Isla markaa, dalka waxaa ay ku soo rogeen Bendoo iyagoo amray qof kastaa in uu ku negaado halka uu joogo.

12:30 – Ra’iisal Wasaare Yildirim ayaa barta warbaahinta bulsho ee “Twitter” soo dhigay in ay la dirirayaan kooxda Inqilaabka xataa haddii ay ku kelifayso in ay u loogaan dad tiro badan. Islamarkaa, Madaxweyne Erdogan ayaa wareysi siiyay Telifishanka CNN, laanta Afka Turkiga, isagoo u sii maray warbaahinta bulsho ee “Facetime.” Madaxweynahu waxaa uu shacabka ku la dardaarmay “in ay isugu soo baxaan jidadka si ay u ilaashadaan xukuumadda ay ku soo doorteen sida xalaasha ahayd.” Madaxweynahu waxaa uu shacabka u ballan qaaday, “in ay guulaysan doonaan” iyo in uu “si ba’an uga aar gudan doono kuwa soo maleegay afgembiga.”

01:00 –Dayuuradaha sida qummatiga u kacaa ayaa duqeeyay goobo ka mid ah caasimadda Ankara. Waxaa kaloo la arkay Xarunta Barlamaanka oo ay ku gedaaman yahiin cotob ku hubaysan taangiyo. Wax yar ka dib, rasaas ayaa ka dhacday gudaha barlamaanka, waxaana la maqlay qaraxyo aad u xoog badan. Xubno Barlamaanka ka mid ah ayaa soo sheegay in ay ku gabbood ka dhigteen godad ku yaalla dhismaha hoose ee barlamaanka. Dhinaca kale, Wasiirka Cadaaladda ayaa ku eedeeyay wadaadka Fethullah Gulen oo masaafuris ku jooga carriga Maraykanka in uu ka danbeeyay isku daygan lagu manjo-xaabinayo xukuumadda. Fethullah waxaa uu taageerayaal fara badan ku leeyahay dalka iyadoo ururkiisu muddo dheer ku fooganaa dhinacyada horumarka, waxbarashada iyo caafimaadka dalka gudahiisa iyo dibediisaba.

02:00 – Dayuuradaha nooca Jet oo daacad u ah xukuumadda ayaa dhulka dhigay dayuurado nooca marawaxadda oo u adeegayay afgembiga. Isla amintaa, waxaa la dilay 17 sarkaal boolis ka dib markii ay iska caabbiyeen ciidanka inqilaabka.

02:50 – Ra’iisal Wasaare Yildirim ayaa sheegay in xukuumadda gacanta ku dhigtay xaaladdii dalka inkastoo qaraxyo aad u culus laga maqlayay faras magaalaha Istanbul. Ra’iisal Wasaarahu waxaa uu sii xoojiyay eedii loo soo jeediyay ururada samafaleed ee wadaadka Gulen.

03:20 – Xilli ay dayuuradaha cadowga korkooda duulayeen, Madaxweyne Erdogan, waxaa uu si geesinimo leh uga soo degay Garoonka Caalamiga ee Ataturk, Istanbul. Madaxweynahu shir saxaafadeed oo uu ku qabtay garoonka waxaa uu ku sheegay, “kuwa inqilaabka wadaa in ay dadweynaha u quudheen qorigii la rabay in ay ku difaacaan.” Intaa waxaa uu ku ladhay, wax yar ka dib markii uu ka soo ambabaxay magaalo xeebeedka [Marmaris] in hub culus lagu garaacay goobtii uu ka degenaa. Madaxweynaha waxaa ku hareeraysnaa kumanyaal shacab ah oo naftooda u huray in ay meel ku la dhintaan. Madaxweynahu, mar kale, waxaa uu shacanka ka codsaday in ay difaacdaan xukuumadooda, una babbac dhigaan qawlaysatada ku soo duushay hannaankii dimuqraadiyadda.

Isla markii la baahiyay war saxaafadeedka Madaxweynaha waxaa sii labanlaabmay dadweynahii isugu soo banbaxay fagaarayaasha magaalooyinka Istanbul iyo Ankara. Markan taageerayaashu kuma ay koobnayn kuwa daacadda u ah Madaxweynaha iyo Xisbigiisa Cadaaladda iyo horumarinta. Balse, waxaa si wadajir ah aan u kala hadhin muxaafid iyo mucaarid. Wax yar ka dib, Madaxweynahu farriin ayuu si siman ugu diray dhammaan moobilada dadweynaha. Waxaana uu ku sii adkeeyay in “in aanay dib u laaban, ilaa laga safeynayo kuwo caddowga ku ah rabitaanka ummadda iyo xasiloonida dalka.

03:30 –Inkastoo qarraxyo xoog badan laga soo sheegay Xarunta Barlamaanka ee Ankara wararka qaarkood waxaa ay tibaaxeen in la jebiyay afgembigii, Waxaa la soo bandhigay muuqaalo ciidamo loo sii taxaabayay meel aan la aqoon. Sidoo kale, boqolaal ka mid ahaa ciidamadii afgembiga ee ka hawl gelayay magaalada Istanbul ayaa iyaguna isa soo dhiibay. Markiiba, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Efkan Ala, waxaa uu ku afgobaadsaday in uu “fashilmay” inqilaabkii.

03:45 – Fagaaraha Taksim ee faras magaalaha Istanbul waxaa iska dhiibay tiro ciidamo ah ka dib markii ay soo weerareen dablayda booliska ee daacadda u ah Madaxweye Erdogan.

05:00 – (subaxnimo maalinta Sabtida) Afhayeenka Madaxweynahu waxaa uu sheegay in ay hawl-galka ku dhinteen ilaa 60 qof iyo in xukuumaddu gacanta ku dhigtay 130 qof oo eedda faraha ku la jiray. Sidoo kale, ciidamada daacadda ah waxaa ay soo furteen Taliyahii Guud ee Ciidamada Qaranka, Hulusi Akar, kasoo habeennimadii ay afduubteen kooxda afgembiga.

Waaberigii – Maalintii Sabtida, warbaahintu waxaa ay faafisay muuqaalo ciidamo tiro badan oo hubka dhigay isuna dhiibay xukuumadda. Waxaa xabsiga loo taxaabay ilaa 700 kuwaasoo isugu jiray saraakiil iyo askar. Isla markaa, xukuumaddu waxaa ay si rasmi ah ugu dhawaaqday in uu dhicisoobay inqilaabkii.

Dhinaca kale, waxaa laga soo sheegay dayuuradaha jetku in ay hub culus ku garaacayeen degmada Bestepe ee caasimadda Ankara halkaasoo uu ku yaallo Qasriga Madaxtooyadu. Kor waxaa laga arkayay qiiq madow oo cirka isku shareeray.

Gabbaldhacii  – Sida uu sheegay Ra’iisal Wasaare BinAli, maalintii Sabtida waxaa gabbalku u madoobaaday iyadoo xukuumaddu si adag gacanta ugu dhigtay taladii dalka. Afgembigu waxaa uu galaaftay 265 qof kuwaasoo 161 ka mid ah ay isugu jireen shacab iyo ciidamada daacadda u ah xukuumadda. Ku-Simaha Taliyaha Guud ee Ciidanka, Umit Dundar, ayaa isaguna war saxaafadeed ku sheegay in la dilay 104 qof oo ka mid ahaa kuwii holiyay inqilaabka, halka geerida shacabkuna ay gaadhay 47 qof. Sido kale hawlgalka waxaa ku dhaawacmay dad gaadhaya 1,440. Waxaana xabsiga loo dhaadhiciyay 2,839 ka tirsanaa ciidanka iyo ilaa 3,000 garsoorayaal loo tiranayo in ay ahaayeen kuwii ka soo qalinjebiyay Jaamacadaha wadaaka Fethullah Gulen lana sheegay in ay badhitaarayeen ciidamada inqilaabka.

Hakan Fidan, Madaxa Sirdoonka Qaranka (MIT), ayaa caweyskii ku tiraabay, “waxaa la soo afjaray hawlgalkii looga hortegayay afgembiga, hase ahaatee, waxaa sii socon doona baadhitaanka ilaa xididada loo siibayo cid kasta oo taageeraysay.”

Haddaba, dalka oo looga bartay dhowr inqilaab oo meelmar noqday, maxaa uu kaga duwanaa kan danbe? Ayaa u babbac dhigay? Balse maxaa laga filan karaa Madaxweyne Erdogan? Jawaabah iyo waxii faallo dheeraad ah ka akhri Qaybta 2aad.

Xassan Cumar Hoorri waa suxufi ka faallooda arrimaha Geeska iyo Bariga Dhexe. Kala xidhiidh hassanhorri@gmail.com ama ku tixraacTwitter  @horrimania