“Turki iyo Masar anigu midna dhagaysan maayo, doorashada heshiiskan Waxa leh Shacabka Somaliland” – Guddoomiye Saleebaan

Guddoomiyaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland Md Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ka hadlay halka uu marayo dhammeystirka heshiiska is-afgarad ee Somaliland la gashay Ethiopia iyo diyaar-garowga Doorashooyinka.

Guddoomiye Saleebaan waxa uu sheegay sheegay in dawladda Itoobiya diyaarinayso dariiqii ay ku aqoonsan lahayd Somaliland, waxaanu shacabka Somaliland ugu baaqay inay garab istaagaan oo meel looga soo wada jeesto ka midho-dhalinta heshiiska Ethiopia.

Guddoomiyaha Guurtida oo warbaahinta ugu warramay xafiiskiisa, waxa uu soo qaatay dhaq-dhaqaaqyo liddi ku ah heshiiska Ethiopia oo ay ku hawlan yihiin dowladda Soomaaliya oo adeegsanaysa dalalka Masar iyo Turkey.

“Waar Turki iyo Masar anigu midna dhagaysan maayo, doorashada heshiiskan waxa leh shacabka Somaliland iyagaa raba, iyagaa gelaya, haddii dawladaa Itoobiya ina Ictiraaftay waa taynu raadinaynay, ILLAAHAY mahadii weeye, aynu la riixno oo aynu sidaasi kula shaqayano,” ayuu yidhi Guddoomiye Saleebaan, waxaanu intaas ku daray, “Waxaa kale ee Masar iyo Turkiga iyo Soomaaliya ka hadha, Soomaaliya maxay ka qaban kartaa, afka ayuun bay iska xumaynaysaa inagana nacayb ayuun bay innagu beeraysaa, nacaybkana la qaadan maynee ka hadha oo aynu hawshaasi wada qabsano dad walaalo ah oo Soomaali ah aynu wada noqono.”

Md Salebaan waxa uu sheegay inay la kulmeen guddidii ka soo talo bixinta heshiiska Somaliland iyo Itoobiya kuwaas oo shir-gudoonka iyo ka gole ahaan ba u sheegay inay la socodsiinayaan halka ay wax u marayaan, waxaanu sheegay inay warbixin ka siiyay goobihii ay booqdeen iyo halka ay marinayaan hawlaha loo igmaday.

Dhinaca kale. Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland waxa uu u soo jeediyay ururrada Siyaasadda dalka inay u diyaar garoobaan isla markaasina ay galaan doorashada, waxaanu gudoomiyuhu xusay inay ku khasban yihiin inay galaan doorashada, iskana ilaaliyaan wixii khilaaf iyo dib u dhac u keenaya.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net