Tukaraq: Faahfaahinta Wararkii u dambeeyey Dagaal Dhexmaray Ciidamada Qaranka iyo kuwa Puntland

 

Hargeysa (SLpost)- Dagaal la isku adeegsaday noocyada kala duwan ee hubka ayaa Ciidamada Somaliland iyo kuwa maamul goboleedka Somalia ee Puntland ku dhexmaray deegaanka Tukaraq.

Sida uu ku warramay Weriye Cabdiraxmaan Olol oo magaalada Laascaanood uga soo warrama Telefishanka, qaar ka mid ah dadka ku sugan deegaanka Tukaraq oo uu la xidhiidhay ayaa xaqiijiyey in abaaro 9-kii subaxnimo ee maanta oo Sabti ah ay ciidamada Qaranka ee Somaliland iyo kuwa Puntland oo isku horfadhiya Tukarag dagaal ku dhexmaray, isla markaana ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Hase yeeshee ma jiro khasaare rasmi ah oo laga soo sheegay dagaalka balse dadka deegaanka ayaa sheegay inay ku argagexeen hubka la isku adeegsaday.

Dhawaan ayay ahayd markii Taliyaha Guud ee Ciidamada Qaranka Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani uu kormeer ku tagay qaar ka mid ah fadhiisimada ciidamada Somaliland ee deegaanka Tukaraq.

Todobaadkii la soo dhaafay, ciidamada Qaranka ee Somaliland iyo kuwa maamul-goboleedka Puntland, ayaa sidan oo kale dagaal ugu dhexmaray deegaanno ka tirsan degmada Laasqoray ee gobolka Badhan.