Trump oo Xil-wareejinta ka hor macasalaameeyey Aqalka Cad iyo Caleemo-saarka Madaxweynaha Cusub oo la sugayo

 

Washington (SLpost)- Madaxwaynaha muddo-xileedkiisu maanta dhammaaday ee Mareykanka Donald Trump, ayaa iska soo duubay khudbadiisii maca-salaameynta Aqalka Cad ka hor intii aanu u dhoofin gobolka Florida oo ku beegnayd saacado ka hor munaasibadda caleemo-saarka madaxweynaha la doortay ee Joe Biden.

Donald Trump waxa uu khudbaddiisa ku sheegay inuu qabtay wixii loogu doortay madaxweyaha Maraykanka, isagoo yidhi, ”Waanu sameynay wixii aanu u nimid in aan sameyno iyo ka badan-ba.”

Muuqaal la soo galiyay barta Youtube-ka, waxa uu ku sheegay in uu galay dagaalkii ugu adkaa oo sababtiisu ahayd gaadhista wixii loo doortay.

Mr Trump ilaa iyo imika si rasmi ah uma aqbalin natijadii ka soo baxday doorashadii Mareykanka ka dhacday bishii November ee sannadkii hore ka dhacday dalkaas taas oo uu ku guulaystay murashaxii xisbiga Dimuqraadiga.

Mr Biden ayaa maanta oo Arbaca ah galinka dambe xilliga dalka Maraykanka loo dhaarinayaa xilka madaxwaynanimada, laakiinse Mr. Trump kama qaybgeli doono xaflada dhaarinta iyo caleemo-saarka madaxweynaha cusub.

Labadii toddobaad ee ugu dambeeyay mudda-xileedka madaxwayne Trump waxaa hadheeyay fadeexado ka soo if-baxay weerarkii taageerayaashiisu ay ku qaadeen dhismaha Aqalka Congresska ee Capitol Hill.

Haseyeeshee, Trump waxa uu weerarkaasi mid aan loo baahnayn ku tilmaamay saacadii u dambeeyey ee muddo xilleedkiisa maanta dhammaaday.

Xasilooni-darradii iyo cadhadii uu Trump ka abuuray Aqalka Cad waxay isugu soo ururtay weerarkii labo toddobaad kahor loo geystay Capitol Hill, taas oo sida la saadaalinayo cadhadii ka dhalatay ay muddo qaadan doonto in la daweeyo.

Fagaaraha lagu qabto Xafladda Caleemo-saarka Madaxweynaha Maraykanka. Muuqaalka Xafladdii Dhaarinta Barack Obama 2009

Kaddib afar sano oo uu xilka hayey, Trump wuxuu dowladda Mareykanka ka tegayaa iyadoo beddelan. Taasina waa ugu yaraan in uu fuliyey ballanqaadkii uu sameeyey.

Mr Biden iyo xaaskiisa Jill Biden ayaa Salaasadii ka tegay gurigooda ku yaalla gobolka Delaware si ay ugu laabtaan caasimadda Washington, halkaas oo uu xildhibaan aqalka Odayaasha ah ka ahaa 36 sano ka hor intii aanu madaxweyne ku xigeen u noqon Barack Obama intii u dhaxaysay sannadkihii 2008-kii ilaa 2016-kii.

Biden waxa uu maanta tegi doonaa Aqalka Cad, kadibna waxa uu u sii gudbi doonaa Capitol Hill oo ay ka dhacayso xafladda caleema-saarka saacaddu marka ay tahay 12:00 duhurnimo saacadda dalka Maraykanka oo ku beegan 8:00PM Caweysnimo ee saacadda Bariga Afrika.

Waxa lagu wadaa inuu dhaco Waa caleema-saar ka duwan kuwii hore, maxaa yeelay waxa aad loo adkeeyey Ammaanka caasimadda Washington kaddib weerarkii Capitol, iyadoo halkaas la geeyay kumannaan Ciidanka Ilaalada Qaranka ah.

Dad kooban ayaa loo oggolaan doonaa inay galaan National Mall si ay goobjoog uga noqdaan dhaarinta, iyadoo ay markii hore ka qeybgeli jireen boqollaal kun oo qof.

Dadka aan ka soo qeybgeli doonin waxaa ka mid ah Mr Trump oo saaka u duulay gobolkiisa Florida, wuxuuna noqonayaa madaxweynihii ugu horreeyay ee aan ka qeybgelin caleema-saarka madaxweynaha xilka kaga guuleystay tan iyo madaxweynihii la odhan jiray Andrew Johnson sannadkii 1869-kii.

Sida ay sheegayaan Dadka u dhuun-daloola siyaasadda dalkaas, tan ayaa ka dhigan in Taariikhda Maraykanka ee daah-furnaanta Doorashada iyo isbedellada hoggaamintu dib u noqotay 152 sannadood.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net