Trump: Muslimiinta US Ayey Necebyihiin

Us(Slpost)-Musharraxa ugu cadcad ee magacaabista xisbiga Jamhuuriga, Donald Trump, waxa uu difaacay hadaladiisa ka dhanka ah Muslimiinta.

ninka waalan

Balse waxa uu dhalleeceyn adag kala kulmay musharrixiinta la tartamaya, intii ay socotay doodii xalay ee dhexmartay loolamayaasha.

Ninka laga soo doorto Florida, Marco Rubio, waxa uu kula loolamay Mr Trump hadal uu dhahay oo ahaa in “Islaamka Mareykanka uu nicibyahay”.

Wuxuu Mr Rubio u sheegay Trump in Muslimiin badan ay ku faraxsan yihiin inay Mareykan ahaadaan.

Senetorka laga soo doortay gobolka Texas, Ted Cruz, waxa uu sheegay in xalka xagjirnimada aysan ahayn in lagu qeyliyo in muslimiinta oo dhan ay xun yihiin”.

Hase yeeshee, Mr Trump ayaa sheegay inuu ku adkeysanayo hadalkiisa ka dhanka ah muslimiinta.

Doodaasi waxay dhacday maalmo ka hor doorashada hordhaca ah ee gobolada Florida iyo Ohio.

Labadaasi gobol waxay ku xiran yihiin guusha qofka musharaxa u noqonaya xisbiga Jamhuuriga.