Toos u Daawo Ciyaar Xiiso Badan oo Dhexmaraysa Xulalka Gobollada Hawd iyo Daad-madheedh

 

Hargeysa (SLpost)- Tartanka Ciyaaraha Kubadda Cagta ee gobollada Somaliland oo galay wareegga Seminal-ka, waxa maanta garoonka kubadda Cagta ee Hargeysa Stadium ka socda kulan xiiso leh oo dhexmaraya Xulalka gobollada Hawd iyo Daadmadheedh oo kooda soo baxaa u gudbayo Finalka Tartanka.

Labada Xul ee Hawd iyo Daad-madheedh oo ka mid ah Xulalka ugu adag ee sannadkan ka qayb-qaadanaya tartanka ciyaaraha gobollada Somaliland oo Semi-final maraya, waxa ay labadoodaba u halgamayaan sidii ay guul uga gaadhi lahaayeen kulanka maanta si midkood ugu gudbo Finalka tartanka.