Togdheer: Saddex Carruur ah oo Ku Geeriyooday Barkad-biyood ay ku qarraqmeen

 

Burco (SLpost)- Saddex Carruur ah ayaa ku Geeriyooday deegaanka Balli-calanle oo ka mid ah Gobolka Togdheer ee Somaliland.

Saddexda Carruurta ah oo laba ka mid ahi hablo yihiin ayaa Geeriyooday, ka dib markii ay ku qarraqmeen oo ay liqday Barkad-biyood ku taallay deegaanka Balli-calanle.

Sida ay xaqiijiyeen Suxufiyiin ku sugan Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer, meydadka saddexda carruur ah ayaa laga soo saaray Barkadda oo xilliga ay ku dhaceen aanay cidi ku sugnayn.

Wararku ma xaqiijin in saddexda carruur ah ay walaalo ahaayeen iyo in kale, sida aanu ka soo xigannay telefishanka HCTV oo warkan baahiyey.

Barkad-biyoodka oo dadka reer guuraag ahi ku kedsadaan biyaha oo dadka iyo xooluhuba ka cabbaan, ayaan inta badan loo samaynin xayn-daab adag oo carruurta iyo Xoolaha lagaga ilaaliyo inay ku dhacaan.

La soco wixii warar ah ee ka soo kordha