Tog Wajaale: Isticmaalka Lacagta Shilinka Somaliland Oo Waajib Laga Dhigay

Wajaale (SLpost) – Baanka Dhexe ee Somaliland, ayaa bilaabay dedaalo lagu fidinayo Isticmaalka Shilinka Somaliland oo udub-dhexaad u ah Koboca Dhaqaalaha Dalka.

Munaasibad madaxda Baanka dhexe ee Somaliland Maanta ku qabteen Magaalo-ganacsiyeedka Tog-wajaale ayaa lagu soo bandhigay qorshaha lagu fidinayo isticmaalka Shilinka Somaliland, haddii ay tahay Ganacsatada iyo Shacabka intiisa kale.

Qorshahan ayaa ah in Ganacstada Wajaale ee wax ku iibin jiray birta Itoobiya ay hadda ka dib wax ku iibiyaan, kuna iibsadaan Shilinka Somaliland, taasi oo qayb ka ah Qorshaha horumarinta dhaqaalaha Dalka iyo fidinta Shilinka Somaliland.

Advertisement

Guddoomiyaha Baanka dhexe Eng. Cali Cabdillaahi oo halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Lacagta Somaliland waalla isticmaalaa, laakiin waxaanu doonaynaa in lagu isticmaalo dhammaan dhaqdhaqaaqyada Ganacsi ee Wajaale”

Wasiirka Maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa isaguna sheegay “Shacabka iyo Ganacsatada waxaanu ku dhiirigalinaynaa inay isticmaalaan Lacagta Somaliland, waayo? Isticmaalka lacagtu waa Calanka oo kale”ayuu yidhi Wasiir Sacad.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Somaliland Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Waar Lacagtiina wax ku iisbsada. Sharcigu hadduu fulayo Qofku waxba kuma iibsadeen lacag aan lacagtiisa ahayn.”

Agaasimaha guud ee Baanka dhexe ee JSL Mukhtaar Cabdi Quulle oo halkaa ka hadlay ayaa isaguna yidhi. “Laga soo bilaabo 2017 illaa 2022 waxa Baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland uu qiimayn ku sameeyay isticmaalka Shilinka Somaliland ee degmada Wajaale. Markaa War-bixintii ugu horraysay ee ka soo baxday Qiimayntaasi waxay noqotay in Wajaale oo ah degmo Ganacsi, muhiimna u ah Dhaqaalaha Somaliland, ay noqoto degmo Gun iyo baar la isticmaalo Lacagta shilinka Somaliland, Ganacsigeeda iyo dhammaanteedba.”

Waxa kale oo halkaa ka hadlay Wasiirrada Isgaadhsiinta, Maalgeshiga, Maamulka Gobolka Gabiley, ka degmada Wajaale Ganacsato iyo Guddoomiyaha Sarrifleyaasha.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Follow us On