TOG-WAJAALE: Daawo Bilicda SAWIRRADA Kulanka Labada Madaxweyne iyo Wacdarihii soo-dhaweynta Shacabka Degmada

Tog-wajaale (HP)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan la yeeshay madaxweynaha dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mudane Mustafe Maxamuud Cumar iyo wefti uu hoggaaminayo.
Kulankan oo ka qabsoomay magaaladda xuduudda labada dal ku taalla ee Tog-wajaale, ayuu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ku qaabilay madaxweynaha  dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mudane Mustafe Maxamuud Cagjar iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminay,  waxaana uu  u gelbiyey dhinaca Waqooyi ee magaalada Wajaale ee gudaha Somaliland, iyada oo kumannaan kamid ah shacabka reer Tog-wajaale ay caleemo qoyan kusoo dhaweeyeen weftiga labada madaxweyne ee magaaladaas kulankoodii ugu horreeyey ku yeeshay.
DAAWO BILICDA SAWIRRADA KULANKA LABADA MADAXWEYNE IYO SOO DHAWEYNTA SHACABKA REER TOG-WAJAALE