Tirsiga 8aad ee Taxanaha Aragtidii Hoggaamiye Cigaal ee Qalalaasaha Soomaaliya iyo mowduucyo kale oo xiiso leh – Qalinkii Boobe Yuusuf Ducaale

Maxamed X. I. Cigaal
Maxamed X. I. Cigaal
Maxamed X. I. Cigaal

“Idaacaduhu waxay sameeyeen barnaamaj ay ku cabbirayaan ra’yiga dadweynaha khadka tilifoonnada laguna xiriiriyay dadka. Waxa kale oo ay sameeyeen barnaamajyo dood-wadaag ah, waxay dadku u bateen 98% in ay Cigaal ku tilmaameen nin weyn oo Somaliland oo keli ah aan ka tegin e’ Soomaali weyn oo dhan ka tegay.”

Taasi sharaf ayay u tahay Cigaal iyo Somalilandba ee ma aha wax Cigaal canbaar looga dhigo sida ay dadka qaarkii la tahay.

Dareenka walaalnimo iyo baroor-diiqdu waa ay badnayd. Waxa aan jeclahay in aan halkan ku xuso dareenkii la yaabka lahaa ee Cabdillaahi Majoor oo aanay ahayn markii ugu horreysay ee uu sidaas oo kale uga hadlo Somaliland. Waxa uu ka mid ahaa odayaal la keenay Hargeysa oo burburtay markii ay garaaceen madaafiicdii iyo dayuuradihii nidaamkii bahalka ahaa ee Maxamed Siyaad Barre, 1988kii.

Hadalladii Cabdillaahi Majoor waxa ka mid ahaa maalintaa BBC-du wareysanaysay maahmaahda Soomaaliyeed ee ah: “Rag cadaab ciil ka dooray.”

Waxa kale oo aan jeclahay in aan halkan ku xuso hadalladii xadantada lahaa ee Sheekh Mukhtaar oo ahaan jiray Guddoomiye Barlamaan. Sheekh Mukhtaar maalintaa waxa uu ku soo gebagebeeyay hadalkiisii Ilaaheey baa og ninka Madaxweyne noqonaya ee nabaddiinna iyo deggenaanshihiinna ha ku ciyaarina oo dagaal ehliyi yaanu bilaabmin. Sheekh Mukhtaar iyo inta ay dareen-wadaagta ahaayeen Somaliland dal iyo dadba lexejeclo ayay ka qabeen. Waa ay u naxayeen. Waa ay u baqanayeen. Waxa ay ku naalloonayeen oo naruuro u ahaa nabadda iyo horumarka ka jira Somaliland. In badan oo kale ayaa dareenkaa la wadaagtay oo aan fursad u helin in ay idaacad kaga hadlaan ama E-maillo ku soo diraan.

Hotel Shaamow maxaa ka dhacay 8/5/2002da? Faahfaahin badan ka ma hayo oo aan ahayn intii aynu BBC-da ka maqallay. Xafladdaa oo loogu baroor-diiqayay Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, waxa soo qabanqaabiyay ururro ay ka mid yihiin: INXA, CRD (Xarunta Wada-tashiga iyo Cilmi-baadhista) iyo qaar kale. Sida aan aamminsanahay niyad-samaan ayay ka ahayd oo ujeeddooyin xun ka ma ay lahayn. Soomaalidu se waxa ay ku maahmaahdaa: “Baruur keliya ayaa baruuro qudhmisa.” Ururradaasi tacsidii ay niyad-samida u abaabuleen waxa ka sadheeyay Cismaan Jaamac oo aan abidkii kob caano leh ka soo durdurin.

Cismaan Jaamac inta uu makrifoonkii qaatay ayaa wuxu yidhi waxa aan ka sheekeynayaa wixii uu jeclaa Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal iyo nimanka qaban doona hoggaanka Somaliland. Cismaan Jaamac hore uma aqoon Cigaal, immikana ma aqoon. Hore uma aqoon oo Cismaan Jaamac wuxu la kowsaday Siyaad Barre. Cigaalna waa uu xidhnaa baa lagaa yidhi. Intii uu Cigaal Somaliland hoggaaminayayna Cismaan dalka cag ma soo dhigin oo London ayuu iska deggenaa. Halkee ayuu Cigaal iyo wuxu jecel yahay ku yaqaannay? Bal adba.

Inkasta oo aanu mudnayn in aan waqti badan iskaga lumiyo, bal hadda u fiirsada laba arrimood:

Cismaan Jaamac waxa uu is-yidhi Cigaal canbaaree markii uu ceeb kale u waayayna wuxu yidhi:” Cigaal wuxu jeclaa in uu Villa Baydhaba ku noolaado”,

Mar kale Cismaan Jaamac waxa uu is-yidhi Somaliland bac ku xidh. Markaana waxa uu yidhi: “Ragga madaxnimada u soo socdaa waa rag midnimada jecel.”

 

Ninkii odeyga ahaa intaas ayuu la shir yimid. Laf buu toobin ku hayay. Cismaan ma oga in Cigaal sidii uu jeclaa loo yeelay oo iyada oo dardaarankiisii la raacayo aabbihii agtiisa, magaalada Berbera lagu aasay. Deelleydii Cabdi Iidaan, Alla ha u naxariistee, ee Awrka Dooh ma lagu yidhi ayaa waxa ku jirtay:

 

“Doontaba aan yeellee,

Damacdaba aan raacnee”,

 

Bal hadda taa Cismaanba aan raacnee, maxaa ku jaban haddii uu Cigaal jeclaa Villa Baydhaba? Sow waayo kuma noolayn? Sow dal Soomaaliyeed ma aha? Miyaanu Sheekh Mukhtaar Hargeysa jeclayn? Cabdillaahi Majoor miyaanu Somaliland u damqanayn? Haddii aanu Muqdisho u damqanno ma canbaar iyo denbi baa? Waa nin iyo garaadkii.

Garaadka dadku wuxu la korayay dibudhiska iyo horumarka. Dareenka maanta Hargeysa iyo Muqdisho yaallaa ma oollin sannado ka hor. Maalintii timaaddaba dadka waayo-aragnimo hor leh ayaa u kordhaysa. Waa la soo dhaafay xilliyadii dadka la isku soofayn jiray ee la isku diri jiray.

 

Wax-qabadkii Hoggaamiye/Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal

Beryahanba dalka waan ka maqnaaye, waxay wararku igu soo gaadhayeen in xero-dhufta laga lahaa: “Cigaal wax ma qaban.” Ma maqli jirteen in uu Darwiishkii hoggaaminayay halgankii gumeysi-diidka ahaa ee Sayid Maxamed Cabdille Xasan maanso ku yidhi: “Godka laguu cadaabyoow muxuu, go’uhu been sheegay.” Waa tii teedii oo casrigan aynu joogno dhacday.

Aniga oo ka cudur-daaranaya dibadda aan ku maqanahay iyo raad-raac la’aanta I haysa, bal aan godollo ka martiyo xusuustayda gabowgu taabtay ee aan sidii ay ahaan jirtay u dihinayn. Wixii iga qaldama raalli ka ahaada. Waxba u tixi maayo siday u kala horreeyeen, bal se hadba halka ay ila marto ayaan ku dhufanayaa si aan dareemmada inta Cigaal guusha kaga masuugtay u gilgilo. Dab liqaanu idin nidhi. Guulihii SNM, Guulihii Cigaal, Guulihii ka dambeeyay iyo Guulaha hadda la gaadhayba annaga ayaa daafacayna oo ilaalinayna.

 

Waa sidii uu Gaarriye u yidhi oo:

 

“Geeddiga hakaday,

Wuu gaabiyee,

Uma noqon gadaal,”

 

Cigaal ku soo noqo:

 

  • Wersheddan laydhka ee Hargeysa ee la sheegay in ay bakhtiday, Cigaal ayaa dhaqaajiyay, xilli aanu dalku lahayn miisaaniyadda maanta jirta, isla markaana aanu maamulin hantida xukuumaddan maanta jirtaa ku takri-fasho,
  • Qoraalkii iyo aftidii Dastuurka Cigaal ayaa hirgeliyay, halka ay xukuumaddani kaga riiqatay doorashadii keli ahayd ee ay qabatay,
  • Kala-guurkii Shir-beeleedyada iyo Xisbiyada waxa hirgeliyay hoggaamiye/ Madaxweyne Cigaal, halka ay xukuumaddan iyo Madaxweynaha joogaa xisbinnimadii ugu celiyeen reernimo ee Kulmiye la shiri kari la’ yahay,
  • Sannadihii Cigaal dalka hoggaaminayay guryaha dawladda lama bixin jirin, dhulka dawladdana lama iibin jirin sida beryahan dambe dhaqanka iyo caadada aan la iskula yaabin noqotay,
  • Cigaal hanti uu mulkiyay oo uu khasnadda dawladda kala baxay kama dhiman,
  • Guri kama dhisan, kamana gelin. Bal, kuwiisii oo dunsan ayuu ka dhintay,
  • Lama sheegin lacag uu dibadda ula baxay oo dhigtay iyo guryo uu dibadda ka iibsaday,
  • Dhismahan dawladda ee caar-caaray iyo ciidammadaba isgaa lahaa hirgelintooda, halka maanta xaaladdooda laga dardaar-werinayo,
  • Wasiirrada waa uu ka dhigay Laand-cruiserradii oo Mark II ayuu ugu beddelay, halka ay dawladda maanta dalka ka talisaa, dhaqanka ka dhigatay baabuurta aynaan lacagtooda goyn karayn,
  • Cigaal aragti iyo himlaba wuu ka lahaa mustaqbalka Somaliland iyo nabad-ku-wada-noolaanshaha dalalka deriska ah,
  • Cigaal wuxu ahaa hoggaamiye daaqsin geel wax ka arka oo khudabdihiisa ku sharxi karayay wuxu doonayo iyo halka uu u socdaba,
  • Warqad wax kama akhriyi jirin ee gole-ka-fuul ayuu ku dareerin jiray oo loogu han weynaa. Shalay ma dhalan ee raggii shubi jiray ee siyaasadda sheekha u lahaa ayuu ahaa,
  • Cigaal sida maanta jirta hebel/heblaayo dhise ma ahayn ee hay’ad-dhise far-san ayuu ahaa

 

Maanta oo dhan waan idiin wadi lahaaye, qaar halkan agtayda fadhiya ayaa igu leh, Ilaahay ishooda ha kaa duwo e’ intaa ugu jooji.

 

(Qormooyinkan waxaan qoray maalintii Cigaal la aasay 12 sannadood ka hor. Waan yar nakhtiimay waxna waan ka yar beddelay ama ku kordhiyayba.)

DHAMMAAD

 

 

HALKAN KA AKHRISO QORMOOYINKII HORE

 

Qormada 1aad

Qormada 2aad

Qormooyinka 3aad iyo 4aad

Qormada 5aad

Qormada 6aad

Qormada 7aad