Tirsiga 6aad ee Taxanaha Aragtidii Hoggaamiye Cigaal ee Qalalaasaha Soomaaliya iyo mowduucyo kale oo xiiso leh – Qalinkii Boobe Yuusuf Ducaale

cigaal“Cahdiga cusub ayaynu bilaabaynaa, marka ay Labada Gole, cahdigaa cusub gud-biyaan, dhowr nin oo iigu yimi, in ay ii hambalyeeyaan ayaan ku idhi malaha is-hambalyeynta waxa inooga meel mar noqon lahayd, in aynu is-tacsiyadeyno, hadalkaygii si kale ayaa loo beddelay, dadna waa ka naxay, oo tacsidu xaggay ka timid ayaa la yidhi.

 

Waxaan doonayaa in aan taas idiin yara sharraxo. Waxay tahay laba sannadood oo inaga lumay, oo waxay inagaga lumeen iyo waxaynu isku haysannay iyo wax aynu diiddaneyn iyo wax aynu doonaynay, aynaan midna garanayn. Labadaa sannadood oo wax badan oo inaga baaqday, aynu qabsan lahayn, ayaan lahaa bal in aynu taas iska tacsiyadeyno, si aynu markaa ‘cahdiga’ cusub ugu dedaalno in aanu sidii kii hore inagaga lumin khasaare iyo nacasnimo.”

 

Hoggaamiye/Madaxweyne Cigaal, wuxu aad iyo aad uga qoommamoonayay laba sannadood oo macno la’aan ku lumay. Waxaan jecelahay in aan halkan ku xuso oo aan hoosta ka xarriiqo in aan halkudhegyadan ka soo xigtay buug uu Maxamed Faarax ku ururiyay qaybo ka mid ah khudbadihii Hoggaamiye/Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal. Isaga oo hadalkiisii sii wata, wuxu intaa ku daray:

“Odayaashii isu tagay ee Labada Gole, aad iyo aad ayay ammaan iyo abaal inooga wada mudan yihiin kulligeen. Sababtu waxa weeye, sida ay wax u qabteen, talo wanaagsan ayay ku taliyeen. Haddii afar sano, saddex sano, ay wax kordhisan lahaayeen, waxa la odhan lahaa, kursi-jacayl ayaa meesha ka muuqda, iyaga ayaa kordhistay si ay meesha ugu daahaan. Waxay ku taliyeen, si’ aad ah inta ay uga fiirsadeen hawsha hor taalla, mudadii lagu qaban lahaa, intii ugu gaabnayd ee hawshaasi ku fuli lahayd ayay ku gooyeen in ay kordhiyaan, waddanninimo iyo dal-u-danayn ayaa ka muuqday, waa ay muteen xaqiiqatan.

Markaa saddexdayada Goleba waxa ballan naga yahay, muddadii la qabtay in aan mar labaad lagu noqon wax kordhis ee muddadaa lagu dhammeeyaa, wixii hawl ah ee inaga baaqday.”

Halkan, waxaynu ka dheehan karaynaa aragtidii Cigaal ee ku saabsanayd Qodobka: 83aad ee Dastuurka ee aynu ku dawakhnay ee muddo-kordhintii noqotay tusbax furtay oo aan dhammaad lahayd. Bal u fiirsada werwerka iyo walaaca uu ka qabo muddo-kordhinta.

Isaga oo hadalkiisii sii wata, wuxu intaa hore ku kabay:

“‘Cahdiga’ cusub ee aynu bilownay waa inaynu ka baydhno waddadii labadii sanadood ee hore aynu u marnay, laba sano oo qas iyo is-ka-horjeed, is- haysi, wareer ayuu inagu dhaafay. 18ka bilood ee danbe waxaan ku talo jiraa, in ay noqoto ‘cahdi’ wax la dhiso, ee hawshu aanay noqon uun intii inaga habsaantay ee (Dastuurka qoristiisa iyo doorasho-sameyntii iyo aftidii la qaadi lahaa, 18 ka bilood ka bacdi waa in aynu dal-dhisan wareejinaa) oo dadka aad dooran doontaan ee doorasho ku soo bixi doona, aynu ku wareejinaa dal dhisan iyo dad dhisan, danta caamka ah ayaa kulligeen danteennu ku wada jirtaa, dan khaas ah wixii lagu qabtaa wax meel mar ah ma noqdaan, ta caamka ahi marka ay fusho ayaa kulligeen wax inoo wada fulayaan.”

Bal immikana aan u gudubno aragtidii Cigaal ee Madaxbannaanida Somaliland, waxaanu yidhi:

“Ma oggolin in cid I hoggaan gashato sidii lixdankii la inoo jiho-wareeriyey, mid ina neceb iyo mid ina jecelba caalamka dood ayaanu la yeelanaynaa, siday odhan jirtay Soomaalidu: “Oodi qaadis iyo jiidis waa isla guri-geyn.” Waxa muqaddas ah oo aan ka leex-leexasho lahayn oo aan (Compromise) geli karin ujeeddada qudha ee aynu kulligeen wada qabno ee aynu ku wada soconno taas oo ah in ay Somaliland jirto, oo joogto iyada oo madax-bannaan oo xor ah oo qaran siyaasiya leh oo mujtamaca caalamka ka mid ah, taa weeye waxa muqaddaska ah, meelba se sida loogaga dhirin-dhirrinayo ee looga hirgelinayaa waxay ku xidhan tahay, hab-siyaasadeedka duruuf waliba ka dhigto daruuri, mid la isu dhul-dhigo, mid dhiif lagu wajaho.”

Hoggaamiye/Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, inta badan khudbadihiisa warqad kama akhriyi jirin. Wuxu ahaa hoggaamiye ku soo tababartay makrifoonnadii xisbiyadii gobannimo-doonka iyo kuwii mucaaradka ahaaba xilliyadii danbe ee madaxbannaanida la xaqiijiyay. Khudbado dhaadheer oo dacallo badan ayuu inta badan jeedin jiray oo taabanayay hadba arrimihii xilliyadaa taagnaa ama aawanaaba. Marka aad dhex qaaddo khudabadihiisa ayaad ka yaabaysaa murtida hodanka ee ku jirta iyo sida aanay wax badani u seegin ama uu uga hadlayo mowduucyo nolosha taabanaya.

Waa kan mar kale isaga oo ka hadlayay Hay’adaha Caalamiga ah. Waa Hargeysa iyo 6dii Jeeniweri 1996kii, waxaanu yidhi:

“Ama Nayroobi ayaad nagu sugeysaan ama waad nala shaqeynaysaan, maxaa yeelay, halkan soo-dhaweyn uma hayno ciddii aan wax nala qabaneyn.

Waxa aan qabaa in Laamaha Qarammada Midoobay & Hay’adaha Samo-falka caalamiga ah ee ‘INGOs’, badankoodu ay carqalad ku yihiin tallaabooyinka dalkan wax lagu qaban lahaa. Sidaas awgeed, waxaanu idin ku war-gelinaynaa in aan raalli halkan lagaga noqon karin ciddii turxaan iyo turunturro ku noqota tallaabooyinka wax loogu qabanayo waddanka ee aanu ugu horseedayno in uu ka soo kabto burburkii ku dhacay.”

Intaas wuxuu Madaxweynuhu ku daray:

“Qarammada Midoobay & Hay’adaha in aan looga fadhiyin shaqana aanay ku lahayn, aqoonsi oo ah arrin siyaasadeed, laakiin ciddii jiritaanka (de- facto reality) nagu tix-gelin weyda, anaguna tix-gelin meynno.”

Mar isaga oo ka hadlaya saxaafadda xorta ah oo run ahaantii ku hoos barbaartay hoggaamintii Cigaal, dulqaad badanna uu u lahaa in kasta oo aanay meesha ka madhnayn in mararka qaarkood la xidhi jiray dadka ka shaqeeya, mar uu ka hadlayay wuxu yidhi:

“Waxaanu ku nidhi in saxaafaddu xor tahay, qaynuunna aanu immika sameynayno oo la siiyo ‘tawjuh’, illeyn immikaanu wax walba unkaynnaaye oo curdin baanu nahay e’. Dhowr jeer ayaanu hore uga hadalnay oo ku idhi, kol buu wasiir cadhaysan yidhi: ‘Waar maxaynu nimankaa u eeganaynaa maynu wax ka qabanno.’ Markii immika qaabkii la sameeyeyna, waxa laga wadi waayey in aanu is nidhaahno, waar haddii maanta aynu is nidhaahno aynu kaantaroolno, halkee ayaynu hadhowna ku joojin doonnaa?”

Waa 7/12/1997kii iyo magaalada Hargeysa. Waa mar ay booqasho ugu yimaaddeen wefdi ka socday ‘Congress-ka’ Maraykanku. Bal hadda u fiirsada ereyada carabiga ah ee uu adeegsanayo Cigaal oo aad mooddo ama ahba kuwii lixdannadii la adeegsan jiray intii aanu af Soomaaligu qormin ee aanu aad u tanaadin. Bal u fiirsada erayada: ‘Qaynuun’ iyo ‘Tawajuh.’ Xagga danbe wuxu adeegsanayaa ereyga ‘Irshaadaat’ oo noqonaya tilmaan ama hanuunin.

Intaa horena wuxu ku sii kabay oo raaciyay:

(La soco……………………………………………)