Tirada Shaqaale ka hawl-galayey Garoonka diyaaradaha Hargeysa oo Shaqo-joojin lagu sameeyey iyo Sababta

Hargeysa (SLpost)- Dawladda Somaliland ayaa maanta shaqada ka joojisay 42 shaqaale ah, kuwaasi oo ka hawl-galayay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa.

 

 

Shaqaalahan ayaa ka mushahar qaadan jiray hay’adda duulimaadyada hawada ee qaramada Midoobey (ICAO).

 

Balse dawladda Soomaaliya ayaa dhawaan sheegtay in ay la wareegtay maamulka hawada, shaqaalaha iyo dhaqaalihii ka soo xaroon jiray hawada Soomaaliya oo ay horey gacanta ugu haysay hay’adda ICAO.

 

Xukuumadda ayaa shaqaalahan ay shaqo-joojinta ku samaysay ku haysata in ay soo caddeeyaan in aanay ka mid ahayn shaqaalaha ay la wareegayso dawladda Soomaaliya.

 

Shaqaalahan ayaa ah kuwa ka hawlgala waaxyahan hoose ku xusan:

Air Traffic Controllers: Hagidda diyaaradaha
AIS Officers: Maamulka macluumaadka hawada
MET Officers: Saadaasha Hawada
FireFighting: Dabdamiska
Marshallers: Parking garaynta diyaaradaha.
Technicians: Injineerada qalabka Hawada

 

Waraaqda ay Dowladda Somaliland U qortay Shaqaalaha

 

 

Waraaqda Ka Soo baxday Soomaaliya

Waraaqda Aqbalaadda ee dadka lagu soo socodsiiyay waraaqda hore ee ka soo baxday Soomaaliya

Xukuumadda Somaliland iyo masuuliyiinta Qaabilsan waaxda Duulista ilaa immika kama hadal tallaabada Shaqo-ka-joojinta lagu sameeyey shaqaalaha.

 

Muuqaalka Hoose ka Daawo xogo dheeraad ah oo Arrintan la xidhiidha

 

 

 

COURTESY: SAWIRRADA IYO QORAALKA qaybo ka mida waxaanu ka soo xigannay Weriye Khaalid Foodhaadhi