Tirada Ganacsatada Lacagaha loo Celiyey iyo Dakhliga ku soo xerooday Sanduuqa Qaadhaan-ururinta Suuqa Waaheen

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka warbixiyey halka uu marayo Taakulada Ganacsatada iyo qaadhaan-ururinta masiibadii dabka ee Suuqa Waaheen ka kacday 1-dii bishii April ee sannadkan, kaas oo baahiyey 3,673 oo ganacsi.

Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu sheegay in taakulo dhaqaale la gaadhsiiyey 2,004 ka mid ah ganacsatada xoolahooda ku waayey dabka, kuwaas oo uu xusay inay isugu jiraan qaar boqolkiiba boqol hantidooda loo celiyey iyo qaar la siiyey hanta lacageed oo u dhiganta kala badh Ganacsigii ay lahaayeen.

Madaxweyne Muuse Biixi oo fadhi wada-jir ah oo ay isugu yimaaddeen Labada Gole Baarlamaan ee Somaliland ka jeediyey khudbad-sannadeedkisa dastuuriga ah, waxa uu sheegay in Guddiga Gurmadka iyo Taakulada Suuqa Waaheen la soo gaadhsiiyey adduun lacageed oo gaadhaya 23 Milyan.

Advertisement

Md Muuse Biixi waxa uu sheegay in Ganacsatadii hantidoodu u dhaxaysay $73 ilaa $5000 loo celiyey boqolkiiba boqol hantidii ka gubatay, isagoo xusay  in ganacstadii Xoolahoodu ka yaraayeen 100-ka Dollar la guddoonsiiyey $500, kuwaas oo wadar ahaan isku noqonaya 9,88 Qof.

Waxa kale oo madaxweynuhu xusay in boqolkiiba 25 hantidoodii loo celiyey ganacsatadii xoolahoodu ahaayeen inta u dhaxaysa $5001 ilaa $40,000, halka kuwii hantidoodu u dhaxaysay $40,001 ilaa $100,000 loo celiyey Boqolkiiba 15 hantidii ka gubatay. Sidoo kale, ganacstadii hantidoodu u dhaxaysay $100,001 ilaa $480,000 ayaa loo celiyey boqolkiiba 10 hantidii ka gubatay, kuwaas oo wadar ahaan isku noqonaya 1,016 Qof, sida madaxweynuhu sheegay.

Waxa uu Md Muuse Biixi Xusay in $8,638,418 oo ka mid ah 23 Milyan ee la soo gaadhsiiyey sanduuqa taakulada Suuqa Waaheen, iyadoo tirada ganacsatada taakulada la gaadhsiiyey wadar ahaan noqonayso 2,004 Qof.

Md Muuse Biixi Cabdi, waxa uu ammaan iyo bogaadin u jeediyey Dadkii Hantidooda ku waayey Suuqa Waaheen, waxaanu yidhi, “Waxaan halka uga soo jeedinayaa ammaan iyo bogaadin ballaadhan dhammaan dadkii waxyeeladdu ka soo gaadhay dabkii Suuqa Waaheen, waxaanan uga mahad-celinayaa sida wanaagsan ee ay u samir-qaateen iyo iimaankooda adag iyo waliba sida xil-kasnimada leh ee ay ula shaqeeyeen Guddiyadii hawshaa loo xil-saaray.”

“Dhibaato kasta oo innaga soo gaadhay dabkaa iyo xoolaheenii uu baabiiyey-ba, waxaan kaga ciil la’ahay in maanta Shacabka Somaliland gudo iyo dibad, yar iyo weyn, rag iyo dumar, dhallinyaro iyo waayeel ay ku qaabileen dhibaatadaasi qalbi isku mid ah, walaalnimo mug weyn leh iyo naf-qaybsi, aan waxba la kala lexa-jeclaynsan,” Sidaas waxa yidhi madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo khudbad-sannadeedkiisa ku soo qaatay saamaynta ka dhalatay gubashada suuqa Waaheen iyo casharrada laga bartay masiibadaas.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Follow us On