Tirada Dhimashada COVID-19 ee Dalka Britain oo kor u dhaaftay 31,000 iyo 626 Qof oo maanta geeriyooday

 

Hargeysa (SLpost)- 626 Qof oo bukaan ah, ayaa cudurka COVID-19 maanta ugu geeriyooday dalka Britain, taas oo wadarta guud ee dhimashada cudurka la xidhiidha coronavirus-ka ee dalkaas ka dhigeysa 31,241, sida uu Jimcaha maanta shaaciyey Xoghayaha Deegaanka ee dalkaas George Eustice.

Xogta dadka geeriyooday ayaa ka kooban bukaanno ku jiray cusbitaallada, Guryaha dadka waaweyn lagu daryeello iyo bukaanno guryahooda ku dhintay.

Advertisement

Waaxda Caafimaadka ee dalkaas, ayaa horaantii maanta shaaciyey in ilme yar oo lix todobaad jiray u dhintay xannuunka Covid-19, kaddib markii maalin ka hor laga helay caabuqa Coronavirus.

Haweenayda wasiirka Deegaanka ah, ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in xukuumaddu ugu talo-gashay lacag dhan 20 Milyan oo Dollar si ay gacan uga gaysato taageeridda hay’adaha samafalka ah ee quudiya qaar ka mid ah dadka ugu nugul dalkaas ee ay masiibadani ku dhacday.

Waddanka Ingiriiska oo ilaa haatan xaalad deg-deg ah ku jira oo lagu sii xoojiyey bandooga, ayaa la filayaa in la fududeeyo isla markaana la furo goobaha ganacsi, waxaana la filayaa in maalinta Axadda uu khudbad jeediyey Raysal-wasaaraha Britain Boris Johnson oo laga sugayo go’aankan arrinta.

Dalka Britain, ayaa xilligan noqday waddanka ugu badan qaaradda Yurub ee ay cudurka Covid-19 u dhinteen, iyadoo uu kor u dhaafay dalalka Talyaaniga iyo Spain oo markii hore hoggaaminayey saamaynta uu cudurku ku yeeshay qaaradda Yurub.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Follow us On