Tirada Dadka laga helay iyo kuwa U geeriyooday Xannuunka Covid-19 oo Korodhay iyo Xaaladihii u dambeeyey ee Somaliland

Advertisement

 

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Somaliland, ayaa Maanta Shaacisay Tirada Dad Hor leh oo laga helay Xanuunka Covid-19 iyo weliba Hal Qof oo magaalada Hargeysa ugu Geeriyooday Xanuunkan.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo War-bixinta Maalinlaha ee Xanuunka Covid-19 Warbaahinta siinayay maanta, waxa uu sheegay in 11 Qof oo cusub laga helay Caabuqa Coronavirus, taas oo tirada guud ee dadka laga helay caabuqa Coronavirus ee Somaliland ka dhigaysa 34 qof.

Advertisement

Wasaaradda Caafimaadka ayaa sidan oo kale shalay u shaacisay in Caabuqa Coronavirus laga helay 11 qof iyo hal qof oo xannuunka u dhintay.

Agaasimaha Guud waxa kale oo uu sheegay in hal qof oo kalena maanta u Geeriyooday Covid-19, kaasi oo tirada Dadka Xanuunka dalka ugu Geeriyooday ka dhigaysa 4 Qof.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in bogsashadu tahay 3 Qof, halka Dadka la karantiilay dhan yihiin 64 Qof.

Somaliland ayaa dhawaan Hawl-gelisay Mishiinka lagu ogaado Dadka qaba xanuunka Covid-19, kaasi oo ay ka heshay Hay’adda Caafimaadka Adduunka, waxaana illaa xilligaa la joojiyey Dheecaannadii dalka dibeddiisa lagu soo baadhi jiray.

 

Somalilandpost.net

 

Advertisement