Tirada Dad ku geeriyooday Daadad ku soo rogmaday Degmada Dila ee gobolka Awdal

Boorama (SLpost)- Inta la ogyahay ilaa Shan qof ayaa ku geeriyooday, kaddib markii tiro ku dhow tobaneeyo qof ay Daadad kula magaalada Dila ee Gobolka Awdal oo Daadad ku soo rogmadeen.

Degmada Dila ee gobolka Awdal oo ah deegaan Beeralay ah ayaa waxa ku xeeran Balliyo (biyo-qabatinno) waaweyn oo loogu talo-galay waraabka Beeraha ku teedtan nawaaxiga magaaladaas.

Afartii maalmood ee u dambeeyey ayaa gobolka Awdal roobab aan kala qaadin habeen iyo maalinba ka da’ayeen, taas oo keentay inay daad badan ku soo rogmadaan.

dilaMagaaladda Dila ayaa la sheegayaa in daad ku soo rogmaday ay ku dileen shan qof isagoo burburiyey hoteel ku yaalay oo wakhtigaasi laga cuntaynayey, waxa kale oo la sheegay in tobaneeya qof la waayey, inkastoo baadi doon dheer ka dib intooddii badnayd lagu guulaystay in la helo.

Goob joogayaal ku sugan magaaladda Dila ayaa HOL u xaqiijiyey in ilaa hadda la hubo shan qof inay ku geeriyoodeen, kuwaas oo maantaba lagu aasayo magaaladda, halka ilaa tobeenayo qof oo meelo kala duwana ku qaatay, inkastoo intooddii badnayd la helay.

Si kastaba ha ahaatee, roobab aan kala joogsi lahayn ayaa guud ahaan goboladda Awdal iyo Gabiley ka da’aayey maalmihii u dambeeyey, taas oo halis galin karta dadkii abaaruhu saameeyeen oo markii horaba awood ay iskaga xejiyaan aan lahayn.

Degmada Dila ka mid yahay meelaha ay sida baaxadda leh u saamaysay Abaarihii ka jiray gobolka dalka.

SOMALILANDPOST.NET