Tirada Dacwadaha la xidhiidha Natiijada Doorashada ee loo gudbiyey Maxkamadaha Dalka

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland ahna Guddoomiyaha Guddiga Caddaaladda JSL Garyaqaan Aadan Xaaji Cali oo maanta shaaciyey jadka loo dejiyey ansixinta natiijada Rasmiga ah ee doorashadii Goleyaasha deegaanka, ayaa ka hadlay tirada dacwadaha doorashada ku saabsan ee Maxkamadaha loo gudbiyey.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JSL

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo maanta la hadlay warbaahintu waxa uu sheegay inay tiro ahaan kooban yihiin cabashooyinka la xidhiidha natiijada doorashada ee soo gaadhay Maxkamadaha Gobollada iyo Degmooyika dalka iyadoo loo eegayo in cabashooyinku waafaqsanyihiin xeerka doorashooyinka si cabashooyinka buuxiyay shuruudaha dacwad loogu furo.

“Guud ahaan waddanka waxa na soo gaadhay cabashooyin kooban, Maxkamadda gobolka Togdheer waxa soo gaadhay 8 cabasho, laakiin shuruudihii arjiga may buuxin, markaa wax dacwad ah lagama furin, gobolka Sool waxa soo gaadhay 4, iyaguna intaanay ku dhawaaqin ayay eegayaan, go’aana ka gaadhayaan, Sanaag-na hal cabasho ayaa soo gaadhay, iyaguna intaanay ku dhawaaqin ayay go’aan ka gaadhayaan”

Advertisement

Geesta kale, guddoomiyuhu waxa uu xusay in ay maalmahanba aqbalayeen cabashooyinka la xidhiidha natiijadii hordhaca ahayd ee golaha Wakiilladda, waxaanu sheegay in araajida ay soo qorteen murashaxiintu loo eegayo shuruudaha uu xeerku sheegay, haddii ay shuruudaha buuxiyaanna loo furayo dacwad, haddii kalena loo sheegayo in aanay buuxin shuruudihii looga baahnaa ee dacwad furashada.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

 

Follow us On