Telefishanka SKY NEWS oo Xog-waraysi Dhinacyo badan taabanaya la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland (DAAWO)

London (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Md Maxamed Biixi Yoonis, ayaa faahfaahin ka bixiyey siyaasadda xukuumadda Somaliland uga qorshayn dhiirri-gelinta Shirkadaha Caalamiga ah iyo Maalgashadayaasha Danaynaya inay hantidooda ku maal-galiiyaan dalka, waxaanu sheegay in Somaliland diyaar u tahay isla markaana ay hirgalisay shuruucdii dab-raysay maalgashiga shisheeye.

BIHI ON SKYWasiirka Maxamed Biixi oo ka mid ah wefti uu hoggaaminayo madaxweyne Siilaanyo oo socdaal shaqo ku jooga magaalada London ee dalka Ingiriiska, waxa uu arrintan iyo qodobbo kale kaga hadlay Waraysi uu siiyey telefishanka SKY NEWS oo laga leeyahay dalka Ingiriiska.

HALKAN KA DAAWO WARAYSI WASIIRKA