Telefishanka FRANCE24 oo Warbixin Cajiib ah Ka Diyaariyey Somaliland iyo Farqiga u dhexeeya Somalia

Paris (SLpost)- Telefishanka FRANCE 24 oo laga leeyahay waddanka Faransiiska, ayaa warbixinn dhinacyo kala duwan ka diyaariyey Heerararka Horumarka, nabadgelyada, Doorashooyinka iyo Nidaamka maamul ee ka jira Somaliland, iyada oo warbixintan ay diyaarinteeda iyo isku-dubba-ridkeeda dalka u yimaaddeen laba wariye oo tirsan Telefishanka France24, gaar ahaan qaybtiisa Luqadda Afka English-ka ku baxa, Kuwaas oo magacyadooda la kala yidhaahdo Sarah SAKHO , Duncan WOODSIDE.

SOMALILAND_FRANCE24Warbixintan waxa diiradda lagu saaray Ilaha Dhaqaalaha dalka, doorka Somaliland ka geysato la-dagaalanka Budhcad-badeedda iyo Kooxaha Xag-jirka ah, nidaamka Dimuqraadiyadda, Ganacsiga iyo Xorriyatul-qawlka oo madax-bannaanida saxaafaddu ugu horeyso.

HALKAN KA DAAWO