Telefishanka Dawladda Sucuudiga oo Marwada Koowaad ee Maraykanka ka Dhex-saaray Wefti uu hoggaaminayey Madaxweyne Obama oo dalkaas booqday

Riyadh (SLpost)- Telefishanka ku hadla Afka Dawladda Boqortooyada Sucuudiga, ayaa Qariyey Muuqaalka Marwada 1aad ee Maraykanka xilli uu baahinayay Kulan magaalada Riyadh ku dhex-maray Boqor Salmaan bin Cabdulcasiis iyo wefti uu hoggaaminayey Madaxweyne Obama oo shalay booqasho ku tagay dalkaas, kaddib safar dhowr maalmood qaatay oo uu ku joogay waddanka Hindiya.

Sida ka muuqata Muuqaal laga soo jaray War uu Telefishanka Dawladda Sucudiga kulanka madaxda labada waddan, waxa Shucaac lagu furay Muuqaalka Michele Obama oo la socota Saygeeda, dhex-taaganna goob masuuliyiinta boqortooyada Sucuudiga oo boqor Salmaan ku jiro ay ku soo dhawaynayeen weftiga Madaxweynaha Maraykanka.

Obama_Saudi Arabia (2)Madaxweyne Obama waxa safarkiisa Sucuudiga oo qaatay Afar saacadood oo kali ah ku wehelinayay wefti ka kooban 30 xubnood oo ay ku masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga, kuwaas oo ay ka mid yihiin Xoghayeyaashii hore ee Gaashana-dhigga iyo Arrimaha Dibadda James Baker iyo Condoleezza Rice, Agaasimaha hay’adda Sirdoonka Maraykanka John Brennan, Guddoomiyaha guddi-hoosaadka Hubka ee Aqalka Odayaasha Maraykanak John McCain, La-taliye hore oo qaabilsan xagga Ammaanka kana tirsan Xisbiga Jamhuuriga, Brent Scowcroft.

HALKAN KA DAAWO